Sheikh Cabdiraxmaan Maxamuud Faarax Janaqow, Wasiirkii hore ee Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Sheikh Axmed Cabdi Dhicisow, guddoomiyihii Majmaca Culimada Soomaaliyeed oo shalay ku geeryooday magaalada Muqdisho.
Sheikh Janaqow oo isagoo ku sugan dalka Jarmalka la soo xiriiray Warbaahinta Muqdisho ayaa yiri “Waxaan uga tacziyeynayaa carruurtii,Eheladii,Qaraabadii,Asxaabtii iyo Dhammaan qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan Culimaa’udiinka Soomaaliyeed, Geeridii naxdinta iyo tiiraanyada lahayd ee ku timid Sheikh Axmed Cabdi Dhicisow”
Sheikh Janaqow ayaa Ilaahay ka baryay in uu Sheikh Axmed Cabdi Dhicisow ka waraabiyo Jannadii Fardows, qoyskii iyo ehelkii uu ka baxayna uu cirib barako leh siiyo.
Allaha u naxariistee Sheikh Axmed Cabdi Dhicisow, waxa uu ahaa Daaci kaalin weyn ka qaatay faafinta diinta Islaamka iyo Fasirka saxda ah ee Islaamka.
Sidoo kale Sheikh Dhicisow waxa uu gacan siiyay kumannnaan arday Soomaali ah oo uu sabab ugu ahaa in ay waxbarasho Jaamacadeed iyo heer ka sarreeyaba ugu diray dalal kala duwan oo caalamka ah.
Sheikhu waxa uu si aan gabasho lahayn ugu baaqi jjiray dowladnimada iyo kala dambeynta oo aaminsanaa in ay tahay habka kaliya ee lagu gaari karo wanaag iyo horumar.