![]() |
Waxaa jiray Nin Maskiin ah oo aanan wax uu ku Guursado aanan haaysanin waxaana Ninkii Jeclaatay Gabar weyna u soo ban dhigtay si uu u Guursado,Ninkii uu ka aqbalay waayo Gabada aad ayeey u Qurxaneeyd hase ahaatee waxaa uu ku yiri waxaa u tagaa sxb keey oo Ganacsade ah si aan uga qaato Lacag aan kugu Guursado ee ina keen,weyna is raaceen waxaana loo tagay Ninkii Ganacsatada ayaa,waxuuna ka codsatay in uu siiyo Lacag si uu Gabadhaa u Guursado,Nasiib daro Ninkii Faqiirka ah ayaa Gabadhii lagala wareegay oo kii Ganacsatada ahaa ayaa ku yiri sxb Gabadhaan Quruxda badan Nin Faqiir ah ma Guursadee Taajiriinta aniga camal ayaa loogu tala galay ee iska soo wareeji,sidii ayaana Faqiirkii looga watay Gabadhii.
Ninkii Tajirka ahaa waxaa uu u tagay si uu Gabadha u Guursado Wadaad wuxuuna u sheegay Wadaadkii in uu Gabadhaan ku Mehriyo,Nasiib daro Wadaadkii ayaaba Gabadii ka hellay asigoo leh war Gabadaan wadaadada ayaa loogu Tala galay oo ku Duceeystaan ee adiga waxba kuuma haayee iskaga tag meesha,Ninkii Gabacsatada ahaa sidaa kuma taginee waa uu Dooday,Doodiina waxaa aay gaartay Ninkii Madaxweynaha ka ahaa Magaalada ayaga oo u Dacwoonaayo,Waxeeyna u sheegeen Madaxweynaha in aay Gabadhaan isku haystaan,Xitaa Faqiirkii waa uu imaaday si Saddax dooda loogu kala Xugmiyo Gabadha.
Nasiib darro waxaaba ka daray Madaxweynihii oo leh Gabadha sidaan u Qurxan Madaxda aniga cal ayaa loogu tala galay ee iskaga taga meesha Saddex-diinaba.kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Gabadhii waxa aay tiri aniga waan ordaa 4tiina Qofkii i soo Qabto ayaana i Guursanaayo.
1.Faqiirkii Bahi dartee ma ordi karo oo waxaa haaysa Macluul daran.
2.Tajirkii waa Nin Caloosha ka horeeysa oo aan labbo tilaayo is daba dhigi karin.
3.Wadaadkii waa Nin Cimrigiisii hormarsaday oo aay Da’diida gadaal u dhigtay oo aanan Ordi karin.
4.Madaxweynihii waxaa ku jira isla weyni & Kursi jaceely oo waxa uu is leeyahay yanan lagu oran Madaxweynihii ayaa Naag daba ordaya.
Gabadii Quruxda badneeyd sidaa ayeey ku waysay Afartii Ninba oo cid gartay lawaaaaaaa…….
Xasan Maxamed
Xafiiska Newbanaadir
Oslo - Norway
xasanyare09@live.com
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com