Howlgalo ballaaran oo Ciidamada Nabadsugida saaka ka wadaan Magaalada Muqdisho

Saturday, January 19, 20130 comments



Ciidamada nabadsugida qaranka iyo kuwa Booliska ayaa saaka howlgalo kula jarmaaday xaafado ka tirsan degmada Dharkeenley, iyadoo howlgaladan ay qeyb ka yihiin kuwo maalmihii u dambeeyay laga sameynayay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.


Wararka ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo howlgalka ka qeyb qaadanaya saaka waabarigii ay gudaha u galeen xaafadaha, iyagoo isku xiray jid cadayaasha xaafadaha, isla markaana taagan guri walba albaabkiisa.



Dadka deegaanka ayaa sheegay in saakay ay ka war heleen iyadoo ay dul taagan yihiin guryahooda ciidamo ka tirsan booliska iyo Nabadsugida, kadibna ay guryaha ay mid mid u galayeen.



Goob joogayala ayaa sheegaya in dad badan lagu qab qabtay howl galka, hase ahaatee ma cada tirada rasmiga ah, inkastoo howl galka wali socdo.



Saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ay ka warbixin doonaan howl galada, isla markaana ay saxaafada u soo bandhigaan.



Hey'adda Nabadsugida qaranka ayaa sheegtay in howl galada ay sii wadi doonaan inta amaanka caasimada laga xaqiijinayo, iyadoo wali xaafadaha qaar ay ka dhacaan falal amni daro iyo dilal qorsheysan.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog