Amisom iyo Ciidanka Dowlada oo dilay hogaamiyihii ugu naxariista darnaa ee Alshabaab iyo lix ilaaladiisa ahayd waa kuma hogaamiyaas

Friday, March 21, 20140 comments

Ciidanka Qalabka Sida ee Dowladda Federalka ee Somaliya, ayaa waxay dileen Madaxii Ciidamada Amniyaadka ee Ururka Al Shabaab ee Gobolka Bakool.

Ciidanka Dowladda oo garab ka helaaya Ciidamada Amisom, ayaa waxay ninkaan iyo lix ka mid ah ilaaladiisii ay ku dileen Deegaanka Daba-gadiir ee Gobolka Bakool.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Dagaqey, ayaa waxa uu horey u gowracay wadaadkii weynaa ee 19-kii bishii Maarso ee sanadkii 2013-ka lagu gowracay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Taliyaha Ciidamada Guutada 60-aad ee aagga Bakool Korneyl C/raxmaan Tima Cade, ayaa sheegay in Sarkaalkaan ay qaarajiyeen 2-dii habeenimo ee xalay, markii uu iska caabin sameeyay.

Taliyaha oo la hadlay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dilka ninkaan ay u soo gudbiyeen rag ay ku dhex lee yihiin Ururka Al Shabaab, sidaana ay ku dileen.

Ilo madax banaan oo ku sugan Magaalada Xudur, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in hawlgal lagu qaarajiyay Madaxii Ciidamada Madax Jebiska Al Shabaab ee Gobolka Bakool.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog