Daawo Fanaanada Farxiyo Kabayare oo Maanta Wacdaro ka dhigtay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho

Friday, March 21, 20140 comments

Fanaanada Farxiyo Maxamed Kabayare oo maalmahan kusugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta bandhig faneed cajiib ah waxa ay ku qabatay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho.

Bandhigan ay qabatay Fanaanada ayaa ahaa mid lagu guubaabinayay Ciidamada Xooga Soomaaliyeed dagaalada ay kula jiraan Al-Shabaab , Farxiyo kabayare ayaana qaaday Heeso Cusub iyo kuwa hore oo u badnaa guubaabo iyo wadani.

Masuuliyiin iyo Saraakiil katirsan Ciidanka Xooga Soomaaliyeed oo goob joog ka ahaa bandhig faneedka ayaa aad ula dhacay Heesaha qiirada badan ee Fanaanada ku luqeeneysay waxa ayna maanta Fanaanada kasbatay dareenka Ciidanka Xooga Soomaaliyeed.

Bandhig Faneedkan ay ku qabatay xarunta Wasaaradda gaashaandhigga Fanaanada Soomaaliyeed Farxiya Maxamed kabayare ayaa waxaa kasoo qeybgalay oo daawanayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda difaaca Soomaaliya, Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo weliba qaar ka mid ah saraakiisha iyo saraakiil xigeennada ciidanka xoogga dalka.

Jen Daahir Aadan Cilmi Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka hadlay Bandhig faneedka cajiibka ah ee qabatay Fanaanada Farxiyo Kabayare ayaa aad ugu mahadceliyey fanaanada iyo sida ay isugu xilqaantay in ay farxada la qeybsato ciidanka xoogga, 

Wasiir ku-xigeen Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdalla Xussen Cali oo isna goob joog ahaa bandhigii ay qabatay Fanaanada Farxiyo kabayare ayaa sheegay in Fanaaniinta kale laga rabo in ay guubaabiyaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay dhiiranaan u helaan.

Fanaanada Farxiyo Kabayare ayaa inta ay joogto Magaalada Muqdisho waxaa u qorsheesan in ay qabato bandhigyo kala duwan ay kasoo qeyb galayaan qaar kamid ah Taageerayaasheeda kusugan Magaalada Muqdisho.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog