Madaxweynaha Uganda oo dadaal ugu jira in shaqsi Hawiye ah loo Doorto Madaxweynaha Soomaaliya (Waa maxay sababta?)

Tuesday, August 21, 20120 comments

Madaxweynaha dalka Yugandha Yuweri Museveni ayaa dadaal xoogan ugu jira in siyaasi Hawiye ah uu qabto xilka madaxweynimada Soomaaliya marka ay dhacdo doorashada dhowaan la filayo in lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya.

Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in Museveni uu arintaas kala hadlay madax ka socota beesha caalamka isagoo taas sabab uga dhigay in ciidamada ka jooga Soomaaliya ay halis galayaan hadii madaxtinimada dalka ay ka wareegto qabiilka Hawiyaha.


Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay in shaqsi gaar ah oo Hawiye ah aanu wadan balse waxaa la sheegay in uu xitaa ku dalaalay in cadaadiska laga qafiifiyo madaxweynaha haatan xiligu ka dhamaaday ee Shariif Sheekh Axmed waxaana taasi ay keentay in uu dhasho isfaham dhex maray ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay Augustine Mahiga iyo Shariif Sheekh Axmed oo markii hore aad ugu kala fogaa arimaha Soomaaliya.


Ugandha ayaa ku doodeysaa in ciidamada Itoobiya oo kuwooda ka tiro badnaa ay la kulmeen dagaalo xoogan oo sababay in xeryahooda ay ka soo bixi waayaan halka ciidamada Yugandhana ay wax weyn qabteen, taasoo ay sabab uga dhigeen taageero ay ka heleen dadka ku nool Muqdisho ee ka soo jeeda beelaha Hawiye kuwaa oo cadaawad fogaatay u hayey ciidamada Itoobiya.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog