Qarax Xoogan ay ku dhamaadeen Ragii dhigayay oo Goor dhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Sunday, August 5, 20120 comments

Qaraxii labaad oo muddo saddex maalmood gudahood ah ay ku dhintaan dadkii dhigayay ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan ugu dambeeyey ayaa waxa uu ka dhacay degmada Huriwaa gaar ahaan suuqa loo yaqaan Daryeel waxaana ku dhintey labo nin oo la sheegay in ay ahaayeen dad doonayay in miinada dhulka la geliyo lagana hago remoteka ay geliyaan gudaha suuqa Daryeel,

Labadan nin ayaa la arkay iyagoo meyd ah kadib markii uu qaraxu dhacay waxaana dadkan dhigayay miinada la sheegay in jirkoodu uu aad u go’go’ay.
Sidoo kale waxaa qarax kan lamid ah uu jimcihii aynu ka soo gudubnay ka dhacay agagaarka saldhig ciidamada dowlada ay ku lahaayeen Saraha Ceymiska ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa ahaa mid ku dhex qarxay guri la sheegay in lagu diyaarinayay waxaana sidoo kale qaraxan ku geeriyooday labo nin oo ahaa dadkii farsamaynayay qaraxa.

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo dalka Soomaaliya ah ayaa waxa ku soo badanayay qaraxyada miinooyinka dhulka la dhigo iyadoo miinoyinka la isticmaalana ay yihiin kuwo macmal ah oo la soo farsameeyey isla markaana aan lahayn ammaan fiican oo la isku haleyn karo.

Waqtiyo badan ayay hore u dhacday in guryo lagu farsamaynayay miinooyinkan ama iyagoo la doonayay in la aaso in ay ku qaraxdo dadkii ku gudo jirey howlahaas. Ururka Alshabaab ayaa haatan dagaalada ay kula jiraan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM u bedeley qaraxyo miinooyin dhulka la geliyo ah,bambooyin lagu tuuro ciidamada ama qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa oo is qarxiya.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog