Yuusuf-Graad Cumar Axmed Oo Ah Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda oo ku dhawaaqay inuu ka tagay Shaqadiisii

Tuesday, August 7, 20120 comments

Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda Yuusuf-Graad Cumar Axmed ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagay shaqadiisii uu mudada dheer ka wadey laanta afka Soomaaliga ee BBCda, isagoo sheegay inuu doonayo inuu aado Soomaaliya "si uu uga qayb qaato" buu yiri hawlaha nabadda ee laga wado halkaasi ka socda.

Yuusuf-Garaad Cumar Axmed oo ah rug cadaa dhinaca saxaafadda ah ayaa warka istiqaalada iyo shqa ka tagistiisa waxa uu ku faafiyey barta uu facebookga ku leeyahay wuxuuna yiri (‎20 sano ka dib, waxaan maanta ka ruqseystay BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga. Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow moo sahal ).

Mr. Axmed ayaa BBCda ka hor ka soo shqaeeyey Idacaddii Radio Muqdisho isagoo warka akhrin jirey barnaamijtana diyaarin jirey, ka hor intii aanu ka mid noqon shaqalaha hayadda laanqeyrta Cas ee ICRC oo uu ka shaqeyeynayey ilaa daba yaaqadii sanadihii sideetamaadka, markaasoo uu dalka ka dhoofey isagoo muddo ku noolaa dalka talyaaniga.

Yuusuf Garaad waxaa uu ku dhashay magaalada Buulo burte bishii juun sanadkii 1960, wuxuuna dugsiga sare kaga baxay Xamar sanadkii 1983kii, markaas ka dibna waxaa u ku biirey Jaamacadii Umadda, tasoo uu sanadkii 1988kii ka baxay kulliyaddii luuqadaha ee Jaamacaddaasi, isagoona mar noqdey gudoomiyaha ururka ardayda Jamacadda qeybteedii gahayr.

Intii uu ka shaqeynayey BBCda laanta afka Soomaaliga waxaa uu wax barasho jaamacadeed oo cusub ka galay Jaamacad ku taal dalka Mareykanka oo lagu magacaabo TUFTS University, waxaana uu ka qaatay shaadda koobaad ee jamacadda BA iyo tan labaad ee Masters degree, isagoo bartay madada Xiriirka Calamiga ah.

Yuusuf oo lagu tilmaamo nin firfircoon oo hal abuur badan ayaa waxaa uu ku hadlaa luuqadaha Talyaniga Faransiiska, Carabiga iyo Ingiriiska Lama, oga waxaa uu Yuusuf-Garaad ku talo jiro inuu sameeyo, laakiin waxaa jira warar horey usoo baxay oo sheegayey inuu rabo inuu isu soo taago jagada madaxweynanimada Soomaaliya oo haatan ololeheedu uu si xawli ah uga socdo Magaalada Muqdisho.
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog