Qoyska Islam Bhati oo ku nool Rajasthan dalka Hindiya ayaa keenay suuq lagu iibiyo xoolaha toddobaadkan neef ari ah oo 2 sano jir ah iyagoo ku doonaya lacag dhan £128,000.
Neefkan ariga ah ee qiimihiisu aadka u sareeyo ayaa waxaa dhinac kaga qoran calaamad ah
‘Allah’ halka dhinaca kalana ay ka muuqato bil iyo xiddig.
Kumanaan ruux oo xoolo dhaqato ah oo ka kala yimid guud ahaan gobolada dalka Hindiya ayaa isugu soo ururuay toddobaadkan magaalada New Delhi si ay arigooda ugu iibiyaan munaasabada Ciidul -Adxa.
Islam Bhati oo 37 jir ah ayaa waxa uu doonay in uu ku iibiyo lacag dhan 11 million rupees qoysaska Muslimk ah ee u dabaaldegaya munaasabada Idul-Adxaha.
Mr Bhati oo ah nin Hindi ah oo ganacsade ah ayaa neefkan ka soo iibsaday labo sano kahor suuqa. ‘Waxaan arkay calaamada isla markii aan soo gatay. Illaa iyo markaana waxaan u xanaaneynaynay neefkan si wanaagsan, waxaan siin jirney geedo wanaagsan iyo miro, hilibkiisuna aad ayuu u wanaagsanaan doonaa.’ayuu sii raaciyey.
Mr Bhati ayaa loo soo bandhigey lacago badan in loogaga iibsado neefka ariga kadib markii uu internetka soo geliyey hase yeeshee qofna ma jiro illaa iyo hadda diyaar u ah in uu ka bixio lacagaha uu dalbaday ninkan Hinndiga ah.
-->
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com