Taliyaha ciidanka police-ka badda Puntiland ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ciidadoodu ay ku guuleeteen in ay qabtaan markab si sharci darra ah qashan ugu shubayay biyaha Soomaaliya.
Cabdi risaaq diiriye faarax, Tliyaha police-ka badda Puntiland ayaa waxa uu sheegay in markabkaan oo siday shamdiio qoyan oo gaareysa 29,500 mitirigtan uu soo istaagay xeebaha bari ee magaalada Boosaaso kadibna uu bilaabay in uu badda ku quobo.
Wax uu intasi raaciyay in ciidamadoodu baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in markabkaani oo uu sheegay in uu Muqdisho kalaabatay kadib markii laga diiday in uu kudejiyo Shamiidaaasi uu isaga daadinayo xebahooda.
Kadib ogaanshahaasi waxaa uu sheegay in ciidadmdoodu ay hareereyeen oo ay soo qabteen markabka iyo 33 shaqaale ah oo lasocda.
Cabdi risaaq diiriye faarax ayaa waxa uu sheegay in lagu qaadi doono markabjkaasi iyo shaqaalaha saaran cawaaqibta ay leeyihiin.
Xasan Maxamed
Xafiiska Newbanaadir
Oslo - Norway
xasanyare09@live.com
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com