Daawo Muuqaal ahaan "Hooyo u dhalatey Dalka Kenya oo laba caruur ah oo mataano ah oo ay dhashay ugu magac dartey Obama iyo Romney"

Friday, November 9, 20120 comments

Hooyo u dhalatey dalkaas Kenya ayaa waxaa la sheegay inay laba caruur ah oo mataano ah oo ay dhashay maalintii doorashada dalkaas Mareykanaka ay ugu magac dartey ama ay ku samisay labadaas caruur ah Barack Obama iyo Mitt Romney arintaas oo ay la yaabeen dhamaan dadka aduunka.


-->
Hooyadaan Kenyaatagi ah oo lagu magacaabo Millicent Owuor oo 20 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inay dhawaantaan gaar ahaana xilligii doorashada dalkaas Mareykanka ay ku umushay laba wiil oo mataano ah isbitaalka lagu magacaabo Nyanza Provincial General Hospital ee magaalada Kisumu ee galbeedka dalkaas Kenya, hooyadaan ayaa waxay go'aansatey inay markaasi ay labadaas caruurta ah ee ay dhashay ay ugu magac darto Barack Obama iyo Mitt Romney arintaas oo soo jiidatey indhaha caalamka , hooyadaan oo isbitaalkaas ay ku dhashay caruurtaas uu la deris yahay tuulada ama deegaanka uu asal ahaan ka soo jeedo madaxweyne Barack Obama walina ay halkaas ku nool yihiin qaar ka mid ah qoyskiisa ayaa waxaa xilligaas ka socday goobahaas dabaal degyo loogu sameynaayo guusha madaxweyne Obama oo dib loo doortey 4 sano oo kale inuu sii haayo talada dalkaas Mareykanka. 


 


Ugu dambeyntiina iyadoo sida ay haweeneydaas ay sheegtay ay arintaas u sameysay si ay u noqoto xasuus aan waligeed harin oo caruurteedaas lagu xasuusto xilligii doorashada iyo tartankii labadaas nin ayaa waxaa kale oo la sheegay inay jiraan haween badan oo u dhashay dalkaas Kenya oo caruurtooda ugu magac darey Obama iyadoo ujeedka ka dambeeyana ay tahay inay ilmahooda ay maraan wadada guuleed ee uu gaaray madaxweyne Obama. 












--> 
Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog