Daawo sawirada "Lamaane Caadeystay in ay is guursadaan Magaalo kasta ay tagaan, Hadana Is guursaday in kabadan ...."

Friday, November 30, 20120 comments

Hadaad Naag Ila Guursato Booliskaan kuu sheegayaa inaad Al-Shabaab tahay

Labaatan sanno ku dhawaad ayaa ka soo wareegtay waqtigii ay Soomaalidu sida xoogan u soo galeen Qurbaha .Caruurtii waqtigaas qurbaha la keenay iyagoo gacanta la hayo iyo kuwii dhashay xilligaas maanta waa ay koreen oo waa dhaliinyaro qaan gaar ah.
Caruurtaasi waxa ay ku dhex barbaareen Bulsho ka dhaqan, luqad iyo diin duwan, tii ay waalidkood ku soo barbaareen, waxayna Arimahaas oo dhami ay keeneen is faham la’aanta buuq iyo jahwareer ka dhex-dhasha caruurta iyo waalidkooda, taas oo aad arkaysid marka aad booqato guryaha ay Soomaalida ku nool yihiin.
Haddaba iyadoo ay jiraan intaas oo dhibaatooyin ah ayaa haddana waxaa qurba jooga Soomaalida ku soo batay nin xaas iyo caruur badan leh taagna u waayey xanaaneynta reerkiisa iyo caruurtiisa inuu naag labadaad ama mid saddexaad iska guursado,waxaana dhacdo in dhibaatooyinkii jiray ay kuwa hor leh la soo darsaan reerka wada noolaashiyahooda.
Magaalada London ee dalka England ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dhacdo aad u yaab badan kadib markii nin wadaad ah oo xaas iyo Shan caruur ah haysta uu xaaskiisa u sheegay in uu naag labaad la guursaday,Kadibna xaaskiisa way diistay in ay sidaas ku raali ahaato ama waxa ay doonta sameyso.
Xaaskiina waxay tiri hadaad naag kale ila guursatay ana waxaan u sheegaayaa Booliska in aad tahay nin xagjir ah oo Alshabaab xiriir la´leh” sidaa waxaa yiri Qofkii dumarka ahaa ee loo sheegay in lala guursday naag labaaad.
Wadaadka guursday naagta labaad ayaa isagoo mooday in xaaskiisii horey ay tahay qof dumar ah oo maseersan ayaa ugu jawaabay “Naa waad waalantahay qof ku dhageysanaaya majiro ee is deji”. Saacado kadib ayaa Beelka Guriga waxaa soo garaacay Boolis magaala London waxayna wadaadka u sheegeen inuu dhibaateeyey xaaskiisa sidoo-kalna ay rabaan in ay wax ka weydiiyaan eedeeynta ku aadan in uu xirirr la leeyahay ururka alshabaab oo looga aqoonsan yahay dalka England waxa looga yeero Argagaxisada.
Wadaadkii waxaa lala tagay Police station-ka dhor su’aal oo la xiriira danbiga lagu soo eedeeyay ayaa la waydiyay wallow- ay askartiiba laftigood ay ka shakiyeen wadaad in ay jirto arinka lagu eedeeyay.
Ugu dambeyn waxaa  damaanad dibada ku jooga wadaadkii naagta labaad guursaday laguna eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay ururka alshabaab,
Waxayna arintaan hadda noqotay hadal haynta ugu badan Magaalada London.



Waxaa Diyaariyay
Abdi-Khadar Ahmed “ Cadde”







Xasan Maxamed
Xafiiska Newbanaadir
Oslo - Norway
xasanyare09@live.com
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog