Daawo Sawirada :- Muwaadiniin Soomaali ah oo Lagu Dilay Xafada Islii Kadib Markii Baabkado Lagu Jar Jaray

Monday, November 19, 20120 comments


Dadkii ugu badnaa ayaa ka kala cararay xafada Islii gaar ahaan Secton One ilaa Six Street kadib qarax xoogan oo galabta ka dfhacay, waxaana qaraxas lala beegsaday gaari ay dad rakaab ah saarnaayeen.

Ilaa Shan Ruux ayaa dhintay 20 kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray qaraxaas xoogan ee ka dhacay xaafada islii, iyadoona dadka waxyeeladaas soo gaaray ay ahaayeen dad Kenyan ah.

Markii qaraxa uu dhacay ayaa waxaa baangado lasoo baxay dad Kenyan caraysan ah kuwaas oo bartilmaameedsanaya Soomaalida kunool xaafada Islii.

Ilaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyay geerida wiil dhalinyaro ah oo ay baangado ku dileen, sidoo kalana waxaa jira in ilaa shan ruux ay dhinteen inkastoo aan la cadayn karin.

Ciidamada kenya ee kusugan halka qaraxu ka dhacay ayaa iyagana riday rasaas xoogan, taas oo lasoo sheegayo in ay sababtay qasaaro aan la ogayn inta uu la egyahay.

Xaalada ayaa aad ukacsan waxaana cabsida ugu xoogan ay haystaaa dadka shacabka ah ee Qaxootiga ku ah magaalada Nairobi ee Soomaalida ah iyo kuwa kale ee sharciga dalka haysta.



















Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog