Leron Howard oo lagu riday Xukun Xabsi Daa’in ah kadib markii lagu helay in uu Dilay Cabdi Cali Axmed

Friday, November 16, 20120 comments

Maxkamad

Maxkamad kutaala Dalka Mareykanka ayaa xukun adag oo Xabsi daa’in ah ku riday Muwaadin u dhashay Dalkaasi kadib markii lagu helay in si bareer ah uu u dilay Muwaadin Soomaaliyeed.

Maxkamada ayaa sheegtay in Ninka Dambiilaha ee Dilka geestay oo lagu Magacaabo Leron Howard uu qirtay dambiga uu galay taa oo ugu Dambeyntii Maxkamada ay go’aansatay in Xukun Xabsi Daa’in ah ku rido Ninkaasi gacan ku dhiiglaha ah..

Ninkan la xukmay ayaa Dilay Wiil yar oo Soomaali ah oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Cali Axmed oo da’diisa lagu sheegay 18-Sano waxaa sidoo kale la sheegay Wiilkaasi xiligii la dilayay oo aheed Bishii April ee Sanadkii hore in uu ku cusbaa Dalka Mareykanka.

Gudoomiyaha maxkamada ayaa xusay in sidoo kale maxkamadu wado dhageysiga dacwado loo haysato shaqsiyaad kale oo la aaminsan yahay inay kiiskaan ku lug leeyihiin.

Dalal badan oo Mareykanka Yurub iyo Afrikaba kuyaala ayaa inta badan waxaa ka dhaca Dilal loo geesto Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalalkaasi ugu cararay qaab qaxooti ahaan kadib markii ay ka baxsadeen Dagaaladii dalka kasocday Muddadii 20-ka sano aheed.












Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog