Maxaad kataqaan Taariiq Nololeedka Fanaanada Weyn ee Soomaaliyeed Maryan Mursal (Wax badan ka baro)

Friday, November 16, 20120 comments

Fanaanada Maryan Mursal

Waxaa Maanta idin soo gudbineynaa Qeyb kamid ah Barnaamijka Fanka iyo Suugaanta ood Aqrisan doontaan Maalin Walbo oo Jimco ah hadii Rabi qadaro adinkoona ku aqrisan doono Taariiqaha qaar kamid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed kuwii hore kuwii dhaxe iyo waliba kuwii dambe.

Maanta Qaxaan soo qaadaneynaan Fanaanada Muryan Mursan Ciise

Fanaanadan soomaaliyeed magaceeda oo buuxa waa Maryan Mursal Ciise Bootaan, waxey ku dhalatay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug sanadkii 1950-kii. Maryan lix sano kadib waxey usoo wareegen iyada iyo qooyskeeda caasimada Soomaliya ee Muqdisho, waxeyna eheed gabar aad u jecel fanka iyo hidaha, taas oo ku kaliftay Maryan in ay durbaba bilowdo dhageysiga heesaha, kadibna isku dayi jirtay in ay heesta kadaba qaado hadba fanaanka ay markaas dhegeysaneyso, waxeyna si fudud ku noqotay fanaaad soo koreysa.

Maryan Mursal waxey fanka bilowday eyadoo 14-jir ah, waxeyna ka heesi jirtay baararka iyo meelaha la iskugu yimaado, laakiin waxey ogaatay in ay fanaanad dhameys tiran tahay markii ay ku biirtay Radio Muqdisho 1965-kii. Waxa ay imtixaan laga qadayna ay ku soo baxday numbarka koowaad. Heestii ugu horeysay ee ay tartankana uga qeyb gashay waxaa lagu magacaabaa “Indha caashaq”, waxeyna sidaas uga mid noqotay fanaaniintii qaranka Somaaliya.

Ka sokow inay tahay fanaanad awood badan leh, fanaanada Maryan Mursal ciise waxaa lagu tiriyaa in ay kamid tahay fanaaniinta Soomaliyaa kuwa ugu wanaagsan. Heesaha ay qaadana waxey iskugu jiraan jaceyl, wadani iyo kuwa k hadlaaya dhaqanka suuban ee soomaaliyeed. Waxaana kamid ah heesaha “Beri hore waxaa jiray, Buur baa kugu gudbane,Allow nabad, Hoo gacanta” iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin waxay maryan heesaha ay la qaatay fanaaniita kalaha cumar dhuule cali. maxamed suleemaan tubeec maxamed jaamac joof iyo kuwa kale Maryan waxey aheyd qof ku wanagsan meel welba; ha noqoto dhanka heesaha ama dhanka jilitaanka,e. Ruwaayadihii Maryan ay ka qayb ka qaadatay sida aadkana loogu xusuusto waxaa kamid ah Shabeel naagood, Kaaraa bidhaan iyo kuwa kale.

Dabeecad ahaan fanaanadda Maryan waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay qof aad u dabacsan, sheeko iyo farxad badan, runta aan ka xishoon soomaalinimada aad u jecel. Waxeyna burburkii Soomaliya 1991-kii wixii ka dambeeyay ay ku noolayd qurbaha gaar ahaan dalalka kala ah Denmark iyo UK. Weli fanka wey ku guda jirtaa Maryan, laakiin waxey ka dhawaajisay in ay ka fadhiisaneyso waqti dhaw.

Labiska iyo qaab ahaan ayay boqorada Maryan Mursal u labisataa qaabka dhaqanka iyo hidaha iyadoo caan ku ah dhaqan jaceylka. Waxeyna sidoo kale xirataa African Dress oo ah dhar aduunka ka ah mid qiimo leh, kana mid ah dharka ay soomaalida caanku ku tahay. Maryan Mursal ayaa waxuu fankeedu yahay mid aan ku koobneyn soomaalida oo kaliya, balse waxey ka qeybgashay bandhig faneedyo kala duwan, iyadoo halkaasina ka heestay kagana tumatay durbaanka iyo heesaha aynu hidaha u leenahay.

Maryan Mursal Ciise waxey dalka booqatay dhowr jeer. iyadoo booqasho ku kala bixisay magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo waliba deegaanada Puntland. Waxeyna dadaalo u gashay inay dhisto Iskuulaad lagu taageerayo caruurta soomaaliyeed, balse waxaa is hortaagay sida la sheegay dad kasoo jeeda horumarinta dalka iyo dadka.












Canab Xasan 
Xafiiska Newbanaadir 
New York - America 
canabxasan09@hotmail.com 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog