Wararka naga soo gaarayo Xaafada Islii Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in maanta dhaq dhaqaaqa iyo ganacsiga Xaafada Soomaalidu ku badantahay ee Islii uu hakad ka jiro.
Inta badan Goobaha ganacsi ee Soomaalida ayaa xiran waxaan jira dareen cabsi oo soo wajahaya Ganacsatada Soomaaliyeed ee kusugan Xaafada Islii kuwaa oo ka cabsi qaba weeraro kaga yimaada dad careesan oo Kenyan ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in goobo ganacsi gaar ahaan Carwooyin kuyaala Islii maanta la weeraray oo kooxo Kenyan careesan iyo Burcad weerareen inkastoo ay arintasi ay Booliisku kusoo baxeen ayna wali ku dadaalayaaan bad baadinta goobaha ganacsi ee Soomaalida.
Dad badan oo Soomaali ah ayaa loo taxaabay xabsiyada kuwaa oo qaarkood xalay la xiray halka kuwa kalana maanta la xiray walina ay soconayaan howolgalo si gaar ah loola beegsanayo Soomaalida oo looga shakisan yahay in Shabaab xiriir la leeyihiin.
Xaafada Islii ayaa lagu daadiyay ciidamo aad u fara badan kuwaa oo lagu arkayo meel walbo katirsan Xaafada Islii ,Soomaalida ayaan manta ku xaniban xaafadahooda iyaga oo ka cabsi qaba in waxyeelo kazoo gaarto Ciidamada Kenya iyo waliba dadka careesan.
Arimahan oo dhan ayaa imaanaya xili maalintii shalay Xaafada Islii la qarxiyay gaari Bus ah ay saarnaayeen dad Kenyan shacab ah ayna ku dhinteen dad ku dhawaad 10-qof halka tiro intaa ka badana ay dhaawacyo soo gaareen.
Maxamed Xasan
Xafiiska Newbanaadir
Nairopi - Kenya
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com