Xaalada Xaafada Islii iyo Gaarisa oo saaka degan, Suuqii Gaarisa oo dab qabsaday

Wednesday, November 21, 20120 comments



Xaalad Xaafada Islii ee magaalada Nairobi iyo Gaarisa ayaa saaka degan, kadib rabshado shalay ilaa xalay ka socday, kaasoo ka dhashay qasaare hantiyadeed iyo dad fara badan oo Ciidamada ammaanka ay xireen.

Sida ay sheegayaan wararka xaalada Gaarisa oo shalay lagu dilay saddex ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in saakay ay caadi tahay, inkastoo dab la qabad siiyay suuqii ganacsiga Gaarisa oo loo yaqaano Suuq Mugdi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Milateriga Kenya oo gudaha u galay magaalada ay dad badan jirdileen, qaarna xabsiga dhigeen, iyadoo ay jireen dad guryaha loogu galay lagana bililaqeystay.

Saakay salaadii subax ayaan jirin masaajid laga adimay, xiisada ka taagneyd awgeed, waxaana xaalada guud ee magaalada shalay oo idil ay aheyd mid qasan.

Dhinaca kale Xaafada Islii ayaa saaka degan, waxaana socda dadaalo ay wadaan Ciidamada ammaanka, si ay u kala dhex galeen dadka Kenyanka ah ee bududka iyo baangadaha wada.

Isku dhacyo u dhaxeeyay dadka Kenyanka iyo Soomaalida ayaa shalay hareeray wadooyinka Xaafada Islii, kadib markii ay isku tuurayeen dhagxaan iyo budud.

Waxaa la soo sheegayaa inay jiraan goobo ganacsi la jabsaday, sidoo kale ilaa 10-hablood ayaa la fara xumeeyay, markii guryaha loogu galay.

Culumaa'udiinka Kenya ayaa cambaareeyay rabshadahan, iyagoo ku baaqay in xaalada la dejiyo, waxaana shalay Islii xaaladeeda aheyd mid jahwareer ah badan, goobaha ganacsigana ay ahaayeen kuwo albaabada loo laabay.











Xafiiska Newbanaadir 
Muqdisho - Somalia 
Nagala Soo xariir emailka 
newbanaadir@hotmail.com 
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog