Arin Yaab Leh: Nin Bireyay gabar qaadley ah gudaha Magaalada Hargaysa Saldhigana Booliskana isgeeyay

Friday, December 7, 20120 comments

Nin tuma Biraha Baabuurta oo lagu magacaabo Siciid Muxumed Cali (ina Cirro weyne) ayaa xalay Qoorta kaga jaray Saldhiga Dhexe ee Hargeysa agtiisa Gabar Jaadlay oo lagu magacaabayay Ardo Muumin.


Gabadhan ayaa ku ganacsanaysay meel dhawr talaabo u jirta Saldhiga magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland sida uu sheegay qof magaalada kusugan.

Gabadha Ninku Bireeyay ayaa dhaawaceeda lagu daweynayaa Cisbitaalka Hargeysa iyadoo sida ay Eheladeedu noo xaqiisay xaaladeedu aad u liidato, dhaawacyadda soo gaareyna yihiin dhowr meelood oo Qoorta,  Gacmaha iyo Calooshu ay ka mid yihiin.

Ninka gabadhan Toorayda galiyay ayaa is geeyay Saldhiga Dhexe kadib markii uu Meyd ahaan uga tegay gabadha isagoo Booliiska ka codsaday inay xiraan maadaama uu falkaasi soo geystay.

Ilaa hada lama oga sababta rasmiga ah ee uu Ninkaasi u bireeyay Haweenaydaas oo ah Hooyo da’’ ah, balse sida ay Eheladeedu noo sheegeen wax jawaab ah kama hayaan dhacdadan yaabka iyo xanuunka badan.



xigasho: Warqaad.com/Hargaysa
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog