Dhagayso:- Amiirka Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubery) oo cajalad maqal ah soo saaray

Thursday, December 13, 20120 comments



Hogaamiyaha Guud Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Abu Zuber oo loo yaqaan Axmed Cabdi Awgudane oo Cajalad Cod ah soo diray ayaa ka hadlay xaaladaha Soomaaliya iyo dagaalada ay Kooxdiisu kula jirto Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Africa ee Amisom.

Cajaladani uu soo diray Ina godane oo luuqada Carabiga ku hadlaya ayaa ahayd mid uu dhinacyo badan oga hadlayo, waxaana kamid ah arimaha uu sida wayn usoo qaatay dagaalada ay kula jiraan Ciidamadda wadamada Dariska ah iyo sidoo kale wadamada Caalamka oo usheegay in ay Soomaaliya ku hayaan dhibaato iyo hagar daamo.

Abu Zuber ayaa sidoo kale soo hadal qaatay Muslimiinta wadamada Kenya iyo Itoobiya, oo sheegay in lagu hayo dhobaatooyin, wuxuna si kulul u weeraray Xukuumadda Addis Ababa oo usheegay caburis in ay ku hayso Muslimiinta.



“Si waliba oo xamlada caskariga ee cadowgu ay ugu muuqato mid buuran, hadane waxey tahay mid guul darro ay u qoran tahay, sababtoo ah waa laga soo gudbay xilligii wadamada inta lagu duulo, gumeysi Milatari lagu qabsan jiray, Mujaahidintana la leyn jiray..tusaalaha arrinkaas ee ugu wanaagsana waxaad ka arki kartaan sida uu ku dhamaaday duulaankii koowaad ee Mareykanku ku soo galay Soomaaliya, iyo duulaanada Ciraq iyo Afghanistan” ayuu yiri


Calooshood u shaqeystayaasha Afrikaanka ah ee lagu soo xaaqay Soomaaliya iyo ciidamada Afrikaanka ee la sheegayo in loo dirayo dalka Maali waxey tusaale cad u tahay taagdarrida ku dhacday Mareykanka iyo xulifadiisa reer Yurub, markii ay awoodi waayeen in ay ka hor imaadaan Mujaahidiinta oo ay is hortaagaan shucuubta Muslimka ah ee ay ka go’an tahay in ay isku maamulaan Shareecada Islaamka.. ka dib markii ay socon weyday demoqoraadiyadoodii la sheegi jiray” ayuu yiri Abu Zubeyr.

“Haddaba si loo sii kordhiyo dhibaatada dhaqaale ee heysata dalalka Sahyo-Saliibka [Yuhuud iyo Nasaaro], ahdaafta ugu muhimsan ee marxaladdaan waa in Saliibiyiinta laga hor istaago boobka kheyraadka ay hodonka ku tahay qaaraddan..iyadoo kheyraadkaasi ay dhuranayaan sharikaadkooda..
halka kuwii sirdoonka iyo Kirishtaameyntuna ay hooy ka dhigteen” ayuu yiri Abu Zubeyr.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog