Guurka iyo Mowqifka Diinta (Arrin ku anfacaysa)

Sunday, December 30, 20120 comments

Guurku diinta waa u gargaar shaydaankana waa u gablan iyo hoog waana gaashaan adag oo cadowag Eebelaga galo, waxaana ku badata ummadda Islaamka si ay ula tartanto ummaddaha kale. Eebe waxa uu Aayadadihiisa Qur’aanka ku leeyahay ( U guuriya xaaslaawayaasha idinka midka ah iyo addoomadiina kuwooda wanaagsan ” ragg iyo dumarba”. hadday sabool yihiin Eebe isagaa deeqdiisa ku hodminaya, Eebana waa kii deeqdiisu dadka ku wada aado, cid walbana duruufteeda ka warqaba). waa micnaha Aayada 32-aad ee Suratul Al-Nur.

Rasuulka (Sallallaahu Calayhi Wasallam) waxaa laga wariyay inuu yiri: (Is guursada oo tarma ummaddaha ayaan idinkugu faanayaa maalinta Qiyaaha eh).

Ibnu Mascuud (RC) waxa uu oran jiray: (Hadday cimrigeyga toban beri ( maalmood/ cisho) oo kaliya ka harsan tahaywaxaan jeclaan lahaa inaan guursado, si aanan Eebe uga hortagin anigoo doob ah).

Saxaabiga Mascuud Ibnu Jabal (RC) daacuun baa ku dhacay, laboxaas oo uu qabayna ka dilay, markaasuuyiri: ( war ii guuriya, ma jecli inaan Eebe la kulmo anoo doob ahe).

Qofkaan Haddaba guursan karin sabab kasta ha kalistee, waxaa haboon in uu is ilaaliyo intuu faraj kahyr qabaa uga furmayo.

Eebe waxa uu Qur’aankiisa ku leeyahay ( Ha dhowrsadeen kuwaan awood guur heli karaynin intuu Alle deeqdiisa kaga hodminayo). Aayada 33-aad ee Suratul Al-Nur.

Ibnu Mascuud (RC) waxa uu Rasuulka (Sallallaahu Calayhi Wasallam) ka weriyey in uu yiri: ( Ninkii awoodi karaa ha guursado maxaa yeelay guurku arraga waa u dabool ibtana waa u gaashaan, Ninka awoodi karinse ha soomo, soonka shahwada ka jabinayee).



Qore: Sabriye M. Muuse











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog