Madaxweeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Kenya Mwai Kibaki ayaa kulan ay arimo badan uga hadleen oo ay Nairobi ku yeesheen kadib waxa ay shir jaraa'id si wadajir ah ugu qabteen saxaafada Kenya iyo tan caalamiga ah.
Labada madaxweyne ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin kulankooda waxaana ay halkaa ka sheegeen in ay isku afgarteen waxyaabo badan oo ay kulankooda uga wadahadleen, waxaana ay qireen in ay danta labada wadan ku jirto hadba sida ay u wada shaqeeyaan.
Heshiiska madaxweynayaashu ay gaareen waxaa ku jiray in la iska kaashado dhanka amaanka iyo dhaqaalaha isla markaana qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya dib loogu celiyo dalkoodii.
Muuqaalkaan marka aad daawato waxaad dareemeysaa in ay wax badan iska badaleen qaabkii ay Kenya ula macaamili jirtay madaxda Soomaaliyeed.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
