Layaabka Aduunka :- Wadanka Imaraadka Oo Lagu Xidhay Nin Ku Labisan Dharka Dumarka.

Sunday, December 23, 20120 comments



Ciidamada Bileyska ee Imaarada Abu Dhabi ayaa xidhay nin ka soo jeeda qaarada Asia, kaas oo ku xaragoonayey Boorsada Haweenku qaataan, isla markaana xidhnaa Saraawiisha ay habluhu xidhaan xili uu ka dukaamaysanayey Meherad ku taala Suuqa Telefoonada Gacanta lagu iibiyo (Mobile Phone) ee imaarada Abu Dhabi.

Bileyska ayaa tagay goobtii Dukaanka kadib markii Telefoon uu kula soo hadlay mulkiilaha meheradaasi, kaas oo Ciidamada Bileyska u sheegay in ninkaasi uu xidhan yahay dharka haweenka oo uu sito shandada habluhu gacanta ku qaataan, isla markaana uu u dhaqmayo sidii gabadh, sidaasi waxa baahiyey Wargeyska Al Khaleej.

Intii ay socotay Xukunka ninkaa aan la shaacin magaciisa iyo dalka uu ka soo jeedo ayaa waxa uu qirtay inuu sitay Boorsada Haweenka, balse waxa uu dafiray oo uu diiday inuu xidhnaa Saraawiisha Gabdhuhu qaataan. 














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog