Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo sheegay in qaxootiga Soomaalida ee Kenya in dalkooda lagu celinayo

Sunday, December 23, 20120 comments


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay kulan la qaatay Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa sheegay in dowladda Kenya isku afgarteen sidii qaxootiga Soomaalida dalkooda dib loogu celin lahaa.

Kulankan oo ahaa mid ballaaran oo ay ka qeyb galeen ganacsatada Soomaalida iyo qeybaha kale ee Jaaliyada dalkaas ku dhaqan ayaa looga hadlay dhibaatada Soomaalida la kulmaan marka ay qaraxyada ka dhacaan Nairobi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu aad uga wal walo marka uu maqlo in Islii qarax ka dhacay, isagoo tilmaamay inay arrin ugub tahay qaraxyada Islii, balse Muqdisho ay ka daaleen oo ay u barteen.

"Dowladda kenya dadka Soomaaliyed inay argagixiso yihiin uma arkaan, Shabaab waa og yihiin in aanay Soomaaliya kaliya aheyn"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo intaa ku daray in Kenya ay u qirtay in Soomaaliya ay dad fiican yihiin, wax badana ku soo kordhiyeen dalkooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay ka wada hadleen Madaxda Kenya sidii boqolaalka kun ee xeryaha qaxootiga ku jira sidii dib loogu celin lahaa, isla markaana dowladda Soomaaliya ay saaran tahay waajibaad ku aadan inay ammaankooda, waxbarashada, caafimaadka iyo halkii ay degi lahaayeen ka fikirto.

"Waxa ugu jecelnahay waxay tahay inaan aragno dadkaas oo dalkooda ku soo noqday oo si nabad u soo laabtay, dadka qaxootiga ee ku jira xeryaha waxay ku heystaan xoogaa, hadii soomaaliya ku soo noqdaan waxay heli doonaan adeegaas mid ka fiican"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Kenya ay qirsan tahay in Soomaalida ay wax badan ku soo kordhiyeen dalka Kenya, isla markaana mujtamacooda ay u horseedeen faa'idooyin badan.

"Dalkan wax badan ku soo kordhiseen, waana qirtay dowladda Kenya, mujtamaca Kenya waxaa u horseedeen adeegyo badan, marka dalkan waa la idinka jecelahay, laakiin dhibaata timid, Islii markaa maqlo qaraxa ka dhacay waa ka xanuunsadaa, xaajo qariib ayay ka tahay, kuwa Muqdisho ku mid ma ihidiin, qaarna waa ilowdeen qaarna maba arag"ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa xusay in gudi heer wasiiro ah loo saaray dhaqan gelinta heshiiska iskaashiga ay kala saxiixdeen Kenya, isagoo tilmaamay in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog