Kulan ballaaran oo looga hadlayay qorshe
howleedka iyo hadafka sanadka 2013 ee ay hiigsaneyso Hey'adda CCD iyo
waxqabadka sanadkii hore ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Hey'adda ee
magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ay ka qeyb galeen Madaxda Hey'adda CCD, Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka, Ururada Bulshada Rayidka, howl wadeenada Hey'adda iyo Bahda warbaahinta ayaa la isku dhaafsaday fikrado iyo macluumaad la xiriira horumarinta bulshada.
Ugu horeyn waxaa kulanka furay Gudoomiyaha Hey'adda wada hadalka Bulshada Ciise Axmed Cumar oo ka hadlay waxqabadkii sanadkii hore iyo sanadka cusub wixii la qaban lahaa, isagoo ku bogaadiyay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka sida ay isaga xil saareen horumarinta iyo wacyi gelinta bulshada.
"Sida la socotaan dalka is bedel ayaa ka dhacay, sanadkan cusub waxaa ka hadleynaa waxyaabaha la qaban doono, Hey'adda waxay u baahan tahay in bulshada ay xoojiso, sidii loo wacyi gelin lahaa, loona hormarin lahaa, sidaas darteed waa inaan qaadnaa dagaal maskaxiyan ah"ayuu yiri Mr Ciise Axmed Cumar.
Mr Ciise ayaa sidoo kale sheegay in sanadihii hore ay dadka ka cabsan jireen inay fikirkooda soo gudbiyeen, balse maanta ay fikirkooda ka hadli karaan, isla markaana ay cabsida ka guurtay, waxaana uu intaa ku daray in shantii sano howshii ay qabteen howl ka badan ay u taalo sanadkan.
"Shantii sano waxaan qabanay waxaa ugu weynaan doonta sanadkan, maxaa yeelay hada waxaa tagi karnaa gobolada dalka, dagaalka milateriga dowladda waa ku guuleysatay, anaga waa inaan dagaalka maskaxda ku guuleysanaa, caruurta la marin habaabiyay, kuwa qalday inaan wacyi gelino, wax u sheegno ayaa nalaga rabaa"ayuu yiri Gudoomiye Ciise.
Gudoomiye Ciise ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida Culumaa'udiinka. Dhalinyaradda, Haweenka, Odayaasha dhaqanka iyo Ururada Bulshada inay soo gudbiyaan qorshe howleedkooda sidii loo qaadi lahaa ficil dhab ah oo ku wajahan horumarinta bulshada.
Intii uu socday kulankan ayaa xubnihii ka socday qeybaha bulshada ay diirada ku saareen waxyaabaha ugu muhiimsan ee sanadkan la qaban karo, gaar ahaan adeegyada guud ee bulshada sidii loo soo nooleyn lahaa, loona xoojin lahaa, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka, wacyi gelinta caruurta, tababarida macalimiinta dugsi quraanka iyo sidii madaaristii ka socotay masaajidada loo xoojin lahaa
Xildhibaanad Caasho Maxamuud Cumar (Caasha Koos) ayaa ku amaantay howlaha ay bulshada u heyso Hey'adda CCD, iyadoo ugu baaqday inay sii laba laabto, isla markaana ay wacyi gelin u sameyso bulshada, sidii dhalinyarada loo dhaqan celin lahaa, isla markaana loogu abuuri lahaa xirfado shaqo.
Kulankan looga hadlayay qorshe howleedka sanadka iyo hadafka Hey'adda CCD ay hiigsaneyso ee lagu soo bandhigay ayaa maalinta berri la soo gaba gabeyn doonaa, iyadoo laga soo saari doono war murtiyeed ku aadan waxqabadka hey'ada ee sanadka sida nabada, dib u heshiisiinta, is dhex galka bulshada, wada shaqeynta hey'adaha dowladda iyo ururada bulshada, wacyi gelinta iyo horumarinta bulshada ee gobolada dalka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com














