Mid ka mid ah Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu maanta uu Magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Hoose, uu kufsi ugu geystay gabar dhalinyaro ah.
Askarigaan ayaa wuxuu gabadhaan uu ku kufsaday fariisimaha Ciidamada Dowladda ay ku lee yihiin agagaaraha Iskuulka Al Raxma, isagoo la sheegay in uu qori uu ku qabtay xilli ay u socotay goob ganacsi.
Gabadhaan ayaa waxay miis ganacsi ay ku laheyd Suuqa Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay maalintii qoyskeeda uga soo shaqeyn jirtay wixii ay quudan lahaayeen.
Askarigaan ayaa wuxuu gabadhaan uu ku kufsaday guri burbursan oo ku yaala agagaaraha Iskuulka Al Raxma, waxaana kufsigeeda kadib lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Marka ayaa waxay dhibaato weyn ay ku qabaan Ciidamada Dowladda Somaliya, oo shacabka reer Marka u geysanaaya kufsi, dhac iyo weliba dhibaato joogto ah, oo aysan waxba ka qaban Dowladda Somaliya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
