NIN SI KIBIR LEH ALLE UGU CAROODAY IYO ALLE OO BAD BAADIYAY NINKAAS ( QISO CAJIIB AH)

Tuesday, January 15, 20130 comments


Nin ayaa maalin maal-maha kamid ah soo raacay Doon, doontaas waxaa saarnaa dad aad u fara-badan, doontii ayaa qalib matay, dhamaan dadkii oo idil waxay noqdeen kuwo dhinta, marka laga reebo ninkii.

Xeeb ayuu kusoo gaaray si naf la-caari ah, wax dad ah muusan arkin wax caawiya iskaba daayee. Rafaad iyo silac fara-badan kadib ayuu wuxuu bilaabay inuu dhisto daash isago oo soo uruursaday xaabo.

Gaajo ayaa qabatay wuxuu ku dhaqaaqay bal inuu raadsado geed miro la-cuno leh.

Hase ahaatee wuxuu dib ugu soo laabtay daashkii oo gubanaaya, markaas buu wuxuu yiri “Allow Maxaa sidaan igu gashay”. Habeenkii wuxuu seexday daashkii uu dhistay meel aanan ka fogeyn, subixii ayuu wuxuu kusoo kacay qeylada markab soo gaaray goobtii uu joogay.

Raggii Markabka saarnaa ayaa soo bad baadiyay, markii ay meel dhexe marayaan ayuu ku yiri “war niman yahow sidee ku ogaateen inaan joogo goobtaas” waxay ugu jawaabeyn anagoo mareyno meel fog ayaa waxaa xalay aragnay Qiiq iyo holac hawada isku shareeray, dabadeed waxaa niri meeshaas qof baa ku dhibaateysan oo u baahan caawinaad ee ina keenay, sidii ayaa kuugu imaanay kuuguna soo bad baadinay.

Fiiro-: hadaba Ilaahay (sw) wuxuu wanaag kuu soo mariyaa meel aadan filaneynin ee waligaa haku deg degin inaad ka xumaato go’aankiisa. Ninkaan wuxuu ka xanaaqay daashkii laga gubay balse Ilaahay (sw) wuxuu dabkaas ugu badalay badbaado iyo isago oo dhulkiisii iyo dadkiisii ku laabtay. Meeqaa dhib nasoo gaara oon ku deg degnaa inaan sabar la’aan is dhiibno, lagana yaabo inuu Ilaahay (sw) wanaag noo soo wado.



Aisha Mohamed






Gaarsii Dhamaan Asxaabtaada inTa internetka iSticmaasho (share and tag ..) Jazakallah












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog