Somaliland oo shruud adag oo sida looga talabaahi culustahay ku xirtay wada hadal ay lafurto dowlada Soomaaliya

Monday, January 14, 20130 comments

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka arimaha dibada Somaliland, Maxemed Cabdullahi Cumar ayaa lagu shaaciyay shuruudaha laga doonayo dowlada Soomaaliya in ay kasoo baxdo hadii ay wada hadal diyaar utahay. .

War saxaafadeedka ayaa lagu yiri, “Dowlada Soomaaliya waa in masuuliyiinta ka qeyb gelaya wada hadalka ay lagelayaan dowlada Somaliland aan lagu soo darin ruux kasoo jeeda deegaanadeena”.

Shuruudaan ayaa waxa ay tahay mid Somaliland ay uga afeefaneyso in xildhibaanno iyo wasiirro deegaanadooda kasoo jeeda ay ka qeyb galaan xubnaha lagu wadoin ay hor boodaan kulamada ay isaga hor imaan doonan maamulka Somaliland iyo dowlada Soomaaliya.

Lama oga sida dowlada Soomaaliya ay uga soo bixi karto shuruudahaan sidaa u qirada weyn hasa yeeshee, dadka siyaasada indha indheeya ayaa waxa ay sheegayaan in dowlada Soomaaliya ay ku qasbantahay shuruud kasta oo aan wax u dhimeyn qaranimada Soomaaliya si ay ugu guuleysato hadafkeeda ah mideynta Soomaaliya.

Horay ayaa wasiirka arimaha dibada Somaliland waxa uu ugu goodiyay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya in ay maxkamad soo taagi doonaan hadii ay cagaha dhigto deegaanda Somaliland.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog