Hay’adda Save the Children, ayaa
shaaca ka qaadday in caanaha warshaduhu soo saaraan ee qasacadaha ku jira ay
sida sigaarka oo kale u waxyeelleeyaan caafimaadka carruurta. Farriin caafimaad
oo Save the Children soo saartay shalay, waxay ku sheegtay in qorshaha
hayadoodu yahay sidii 30% loo yarayn lahaa isticmaalka caanaha noocan ah ee
carruurta adduunka la siiyo, waxaanay ku baaqday in ubadka yaryar la siiyo
caanaha naaska hooyada.
Waxa kaloo hay’addu soo jeedinteeda
ku xustay dalalka ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo waddamo kale oo Yurub ah inay
qaadan doonaan oo sidiisa ugu dhaqmayaan talooyinkooda, waxaanay xubnaha
ololahan waday tilmaameen in caanaha qasacadaysan lagaga maarmi karo in hooyadu
ilmaheeda sida ugu fiican u naas-nuujiso.
Save the Children waxay warbixinteeda
ku sheegtay in saacaddii la badbaadin karo 95 ubad ah oo dunida ku nool, halka
sannadkiina la badbaadin karo 830,000 ilmood, haddii hooyooyinku naaska siiyaan
marka ay dhashaan.
Warbixintan waxa kale oo ku xusan in
dambarka caanaha naaska hooyadu faa’iido u leeyahay ubadka haddii marka ugu
horreysa afka loo galiyo. Hay’addan oo dunida u qaabilsan badbaadinta
carruurta, waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqday inay go’aankeedan uga gol
leedahay sidii loo dhiirrigelin lahaa naas-nuujinta ubadka, lagagana hortagayo
khataraha ay sababi karaan caanaha qasacadaha ku jira ee warshaduhu soo
saaraan.
Mr. Brendan Cox oo ah madaxa
siyaasadda ee Save the Children, ayaa sheegay in ku dhaqanka go’aankani muhiim
u yahay dhamaan dalka Ingiriiska iyo waddamo kale oo Yurub ka tirsan, sababo la
xidhiidha caanaha qasacadaysan oo intooda badan loo dhoofiyo dalalka lagu
yeedho dunida saddexaad.
Waa in la helaa siyaasad cabbiraysa
inay caanaha daasadaha ka wanaagsan yihiin caanaha naaska hooyada oo la ogyahay
in ay difaac u yihiin caafimaadka carruurta, waxaanuna haynaa tusaalayaal badan
oo tilmaamaya waxyeellada caanaha qasacadaha oo aan faa’iido sidaas ah lahayn,
ayuu yidhi Mr. Cox.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
