Wasaarada waxbarashada iyo adeega
bulshada ee xukuumada Somalia ayaa maanta soo bandhigtay qorshe waxbarasho oo
sanadkan 2013-ka ay ugu talo gashay iney ka faa’iideystaan ardayda Soomaaliyeed
ee aan heysan fursadaha waxbarasho ka dib markii ay saameyn ku yeesheen
duruufaha adag ee dalka ka jiray 22-kii sano ee la soo dhaafay.
Wasiirada wasaarada horumarinta
adeega bulshada Drs. Maryan Qaasim ayaa maanta qorshahaasi kaga dhowaaqday
munaasabad lagu qabtay hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho taasoo ay ka soo
qeyb galeen qeybaha bulshada sida aqoonyano, waxgarad, culumaudiin haween,
xildhibaano iyo qaar ka mid ah bahda waxbarashada iyo Jaamacadaha ka jira
dalka.
Drs. Maryan Qaasim ayaa sheegtay in
dhallaan gaaraya qiyaastii 4 milyan oo da’doodu ka hooseyso 18 sano jir aysan
heysan waxbarshadii ay u baahnaayeen xiligan taasoo keentay bay tiri in
duruufaha nololeed ee heysta qaarkood looga faaiideystay iney ka qeyb qaataan
dagaaladii iyo dhibaatooyinkii ka dhacay dalka.
“Wasaaradu iyadoo ka duuleysa
arintaas, kana damqaneysa waxay isku duba riday qorshe waxbarasho oo balaaran
kaasoo aan jecelnahay iney ka faaiideystaan arday gaareysa hal milyan oo uu
kala qeybsan heerarka kala duwan ee waxbarashada, waxaana qorshahaas gacan naga
siinaya maalgelinta ku baxeysa qaar ka mid ah heyadaha QM oo dhowaan aan kula
soo kulmay Nairobi” ayey tiri wasiirada.
Sidoo kale, Drs. Maryan Qaasim ayaa
intaa ku dartay in qorshahaas uu ku jiro in guud ahaan dalka laga hirgeliyo
dugsiyo gaaraya 900 oo isugu jira kuwo cusub iyo dayactir lagu sameynayo kuwii
horey dalka uga jiray, iyadoo xustay iney tababari doonaan macalimiin heerar
kala duwan leh oo gaaraya illaa 3,000 kun si ay bilow ugu noqdaan dhaqaajinta
waxbarashada dalka oo ay sheegtay iney ka qeyb qaadan karto soo celinta nabada,
iyadoo tilmaantay in nus malyuun ka mid ah ardaydan ay ka iman doonaan
koonfurta Somalia, halka qeyb kalena ay wadaagi doonaan gobolada bariga iyo
woqooyiga Somalia.
“Anigu waxaan ahay Drs. dhinaca
caafimaadka ah, waxaan wax ku soo bartay illaa heer Jaamacadeed canshuurtii
shacabka laga qaadi jiray, waxaan rabaa iney caruurteena helaan taasoo kale
sidaas awgeed qorshahan aanu fulineyno sanadkan waxaa uu bilow u yahay qorshe
aanu rabno inaan waxbarasho aasaasi ah ugu helno afarta milyan ee aan hadda
waxbarashada heysan” ayey intaa ku dartay wasiirada oo qeybaha bulshada ka dalbatay
iney gacan ku siiyaan fulinta qorshahaas.
Waxaa sidoo kale goobtaas ka hadlay
masuuliyiin iyo qaar ka mid ah qeybaha bulshaha ee ka qeyb galay kulankaas,
kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyed C/kariin
Salaad Gabeyre, Ganacsade Luul Maxamed Shiikh Cisman, culumaa’udiin ay ka mid
ahaayeen Shiikh Nuur Baaruud Gurxan iyo Shiikh Soomow, Gudoomiyaha dallada
bulshada rayidka Soomaaliyed ee SOSCENSA C/llaahi Maxamed Shirwac iyo
xildhibaano ka tirsan baarlamanka oo dhamaantood soo dhoweeyey qorshahan iyo
muhiimada uu leeyahay, iyagoo balan qaaday iney garab ku siin doonaan wasiirada
sidii loo fulin lahaa.
Ugu dambeyntii waxaa kulankaas ka
hadlay wasiiru dowladaha wasaarada horumarinta adeega bulshada oo ka waramay
qorsheyaasha wasaaarada ee sanadkan gaar ahaan waxbarashada, isagoo sheegay in
dhaqaale laga helay dibeda uu noqon karo kaalmo oo kaliya, balse maalgelinta
wax lagu dhaqaajinayo la doonayo inteeda badan iney ka timaada bulshada
Soomaaliyeed.
Sahan ay kal hore sameeyeen heyadda
QM ayey ku ogaadeen in 22-kii sano ee burburku ka jiray Somalia ay waxbarashada
aasaasiga ah heleen oo kaliya %13 dhallaanka Soomaaliyed, waxaana haddii uu
hirgelo qorshahan lagu xoojinayo waxbarashada dalka ee ay wado wasaarada
horumarinta adeega bulshada uu noqon doonaa kii ugu weynaa burburka ka dib ee
ay ka faaiideystaan dhalaanka aan waxbarashada helin.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com












