Madaxa naadiga Barcelona ee dalka Spain Sandro Rosell ayaa booqasho ku tagay magaalada Ramallah ee dalka Falastiin isagoo la kulmay madaxwaynaha dalkaasi Mahmud Abbas iyo waliba madaxa xiriirka kubadda cagta dalka Falastiin ee Jibril Rajoub.
Sandro Rosell Madaxa Barcelona ayaa soo dhawayn diiran kala kulmay taageerayaasha kooxda Barcelona ee ku sugan dalka Muslimka ah ee Falastiin iyadoo hadiyadooyin iyo heeso lagu soo dhaweeyay.
Rosel oo safar kusoo maray dalka Israel ayaa u gogol xaaraya kubad nabadeed oo ay la ciyaaraan xulalka falastin iyo Israel oo isku dhaf ah
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com