Fanaanada Hibaaq Maxamed Abdulaahi oo suuqa ka saartay Fanaaniinta kooxda Qaylodhaan Daawo Video

Sunday, February 10, 20130 comments

Fanaanada Somaaliyeed ee Hibaaq Maxamed Abdulaahi ayaa noqtay Fanaanada ugu hadal haynta badan Magaalada London kidib markii dhawaan xaflad balaaran oo soo dhawayn loogu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya London ay wacdaro ka dhigtay Xili Koxda Qayladhaan ay joogayn.

Fanaanada ahna Abwaanada Hibaaq Maxamed Abdulaahi ayaa la weergatay hal mar microfonka iyada oo qaaday labo hees oo is daba joog ah waxaana labada heesood madaxa la ruxay Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Marwadiisa.

Hibaaq ayaa noqtay mid dad badan siyaaba kala duwan uga hadlaan maadama ay tahay Fanaanada kaliya ee Heesaheeda samaysata saarata ahna Fanaanad kali ah oo aan ka tirsanayn wax koox ah balsa ka mid ah Fanaaniinta reer London .

Fanaanada ayaa ka qaaday xafladii soo dhawayntii Madaxwyanha Soamaaliya ee Magaalada London heeso wadani ah oo Boqolaalkii xafladaa joogtay soo jiidatay waxana goobtaa lugu arkayay in ay xiligaa ku sugnaayeen fanaaniin caan ah sida Gaadaco Iyo Xuseen Shire.

Hibaaq ayaa dadka aqoonta u leh ku sheegeen in ay tahay Fanaanad abwaanad ah oo heesaheeda iyada soo alifata laxanakana saarta muda yar waxana dadku ku tilmaameen arintaa mid ilaah hiba u siiyay waxayna ka mid tahay Fanaaniinta aadka looga jacayl yahay Magaalada London.

Hibaaq waxaa ay leedahay heeso hayeeshee waxaa lugu xasuustaa heestii u qaaday Orad yahanadii Soomaaliya uga qaybgalayay Koobkii Olmpic 2012 London taa oo ay ku cabiraysay dadaalkii ay sameeyeen Oradyahanadaa Somaaliyeed.

Fanaanada ayaa afar maalin ka hor soo saartay hees kale oo wadani ah waxayna u bixisay Dhaqaaji taas oo ay dad badan ka helayn.

Ugu danbaytii Fanaanada Hibaaq oo ah dabeesha fanka soomaaliyeed ayaa 5 bil gudaheeda ku soo saartay 11 hees oo wadani ah waxayna arintaan dad badan ku noqotay layaab iyada oo dadka u bixiyiin Hibaaq Wadani .















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog