Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil oo Wada Hadal kula Jira Dowlada Soomaaliya.

Saturday, February 9, 20130 comments

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylic ayaa wada hadal kula jira Dowlada Soomaaliya kadib uu ka niyad jabay aqoonsiga Soomaliland.

Warar hoose aynu ka helnay ilo ku dhow dhow C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylic ayaa waxa ay sheegayaan in arintaan ay ku dhalisay kadib markii Safaarada Mareykanka ee Itoobiya ay si hoose ula hadashay Madaxweynaha Soomaalilind Siilaanyo.

Waxyaabaha kale ee uu kaxumaaday Saylici ayaa ah in Madaxweyne Siilaanyo uu sheegay in Soomaliland ay ka qeyb galeyso shirka London ee Soomalida uga furmi doono dhawanahan.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylic oo kulan la qaatay saaxiibadiisa ku dhow dhow dhanka siyaasada ayaa waxa uu u sheegay in Soomaliland ay hada mareyso kala dhuumasho iyo kala carar taana ay ku kalistay in dowlada Soomaaliya uu wada hadal la bilaabo.

Waxaan Dowlada Soomaaliya hada noo bilowday wada hadal cusub waayo Saoomaliland ma u muuqato mid citoraaf heleysa waxaana loo baahan yahay in danaha siyaasadeed la dhowro ayuu yiri Saylici.

Sidoo kale warar aan buurneyn ayaa waxa ay sheegayaan in wasiiro ka tirsan maamulka Soomaliland ay u hanqal taagayaan sidii Dowlada Soomaaliya wada hadal ula gali lahayen

Musuuliyiinta Soomaliland ayaa hada u muuqda kawa kala dhuumanaya oo midba midka kale uu ka cararayo waxaana niyad jab xoogan uu soo food saaray siyaasiyiinta Soomalilind











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog