Muslimiinta Thailand iyo Dowlada oo wadahadal nabadeed uga bilowday dalka Malesiya

Thursday, February 28, 20130 comments


Dhaq dhaqaaqa Muslimiinta ee ka dagaalama koonfurta dalka Thailand iyo xukuumada wadankaasi ayaa markii ugu horeysay miiska wadahadalka soo wada fariistay, kulan ay ku yeesheen dalka Malesiya.
  
Dowlada Thailand ayaa markii ugu horeysay ogolaato inay wadahadal la yeelato dhaq dhaqaaqa muslimiinta ee dalkaasi ka dagaalama.

Muslimiinta ku dhaqan dalka Thailand ayaa u badan koonfurta dalkaasi waxayna muddo 30 sano ah u dagaalamayaan inay helaan ismaamul u gaar ah oo ka madax banaan xukuumada Thailand oo ay hogaamiyaan buudiistaha dalkaasi ka arrimiya.

Dowlada Malesiya ayaa kaalin weyn ka geysanaysa wadahadalka u socda labada dhinac, waxaase laga cabsi qabaa go’aamada kasoo baxa kulankan in uusan noqon karin mid hirgala maadaama la sheegay dagaalyahanada ku sugan koonfurta Thailand ee muslimiinta ah inay u kala qeybsan yihiin kooxo kala gedisan.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog