Suarez: Waan Rumeysan Waayey Waxaana Ku Dhowaaday Inaan Farxad La Waasho ....

Tuesday, February 5, 20130 comments

Ciyaaryahanka Khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid Mario Suarez ayaa sheegey inuu farxad la waalan gaaray markii uu soo gaarey warka ku saabsan inuu ka mid noqdo ciyaaryahanada xulka Spain ee ciyaari doonta kulanka saaxiibtinimo ee arbacada la yeelanayaan xulka Uruguay.

labada ciyaaryahan ee Xabi Alonso iyo Xavi Hernandez ayaa dhaawacyo dartii uga maqnaanaya ciyaartaasi xiisaha leh ee xulka heysta Koobka Aduunka iyo kan qaramada yurub la yeelanayo Uruguay,waxaana ciyaaryahanka Suarez,loogu yeerey inuu galo boosaskaa banaan ee Khadka dhexe uuna xirto funaanadda qaranka Spain qeybta waaweynka.

“waxay ila ahayd wax riyo ah oo aan dhab ahayn markii uu ii yeerey tababare Vicente del Bosque waanan sugi waayey inta aan qoyskeyga ka gaarsiinaayo warkaasi farxadda leh”.

“Horey kama rumeysan waan taxadaray laakiin waxaan rumeystey markii dadkoo dhan ay maqleen oo aan ku arkey Twitter markaasi kadib ayaan u sheegay qoyskeyga arintaasi iyo inaan u ciyaarayo xulka Spain”ayuu raaciyey 25-sano jirka atletico madrid ka tirsan.

Suarez oo bandhig wanaagsan ka sameeyey xili ciyaareedkan socda garoonka Vicente Calderon ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inuu si rasmi ah ugu ciyaaro xulka Spain kadib markii uu horey uga mid noqdey xulalka 16-21 jirada da”doodu ka hooseysey,wuxuuna balan qaadey inuu aad u dadaali doono oo uu is muujin doono kulanka Arbacada ay la leeyihiin Copa America champions.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog