Qisadan Xanuunka Badan Waxa ay ku
dhacday Gabar email nooga soo qortay dalka keen Magaceedana waxa ay kusoo
koobtay A.M.X, Waxa ayna Qoraalkeeda oo dheeraa KU Bilowday Sida Tan:-
Magaalada Balcad ee gobolka
shabeelaha dhexe oo aan ku noolaa intii aan garaadsaday 4Jirkaygii ilaa
18-jirkaygii , halkaasoo aan ka bilaabay waxbarashadaydii aan ku dhamaystay,
Mahad waxuu ka mid ahaa dhalinta aan isla jaan qaadnay in kastoo uu iga waynaa
8 sanadood haddana sida aad ogtihiinba da’da raga iyo dumarka farqi baa u
dhexeeya.
Aan idiin Bilaabo dhacdada Aniga iyo
Mahad waxaan ahayn laba qof oo ku soo barbaaray jacayl walaalnimo oo aad u fog
iskuna xog iyo xuuraan ah, waayo waxaan ahayn deris isku degaan ah (Xaafad ah)
waxaan ahaa walaashiis oo kale isaguna walaalkay oo kale.
Waxaa dhacday habeen habeenada ka mid
ah iyadoo xilli uu roob ka da’ayay deegaanka Balcad dhulka tigaadu buuxisay in
uu iigu yimid gurigayga oo aan ka fogayn gurigooda wuxuuna ii sheegay in uu
doonayo in aan aadno riwaayad socotay Habeenkaas oo ahayd {SHUMEEY} oo markaa
aad loo xiisaynayay.
Kama diidi karine waayo waxaan ahayn
laba ruux aad isugu weynaaye, waxaan u sheegay in uu ii soo noqdo si aan isugu
diyaariyo, isagana hadal kama soo celinin waa uu iga ogolaaday, waxaana caado
noo ahayd in aan isu weheshano riwaayadaha, aroosyada, garoomada ciyaarahu
waxay noo ahaayeen kuwo noloshayada ka mid ah. Waayo isagaa wata gaari noo
sahla aadista goobahas.
Waqti yar kaddib buu soo noqday
anigoo diyaar ah waxaan u jaan qaadnay xagii degmada oo ahayd halka riwaayada
15-ka Shumeey habeenkaa lagu dhigay dadkuna aad ugu buuqsanaa, laakiin Nasiib
wanaag anagu waa haysanay tigirka oo Mahad baa soo gooyey intii aan is
diyaarinayey. oo si fudud baan albaabka u gudubnay, Kadib daawashadii riwaayada
oo aad u xiiso badnay, ayuu iga codsaday in aan magaalada dibada uga baxno,
waana ka aqbalay waxaan Tagnay aaga u dhexeeya dugsiga sare iyo Mashruuca oo
aad u qurux badnaa, Markaa iyada ah anigu Mahad uma hayo wax dhaafsiisan Jacayl
walaalnimo, balse isagu mid ka duwan ayuu wataa sidii uu iigu soo gudbiyeyna
waa sidan:
Mahad: Walaal A…m ma ogtahy in aan
aad kuu jeclahy………..
A.M: Haa oo aniguba waan ku jeclay
mid walaalnimo.
Mahad: Laakiin anigu waxaan kuu
jeclahay si dhab ah ……
A.M: Oo Hadaa ma kaygaa dheel ah
maxaa walaalinimo ka fiican.
Mahad: Waa ogahay in walaanimo qaali
tahay, lakiin aniga waxaa ila soo gudboonaaday hami iyo qami la xiriira
Jacaylka aan kuu qabo oo iga ah dhab in aan nolosha kula qaybsaso baana iga
go.an.
Runtii waxay igu noqotay fajac si aan
ku aqbalo ma aqaan si aan ku diidana ma aqaan, waxaanse ka codsaday in uu
isiiyo waqti aan ku soo fekero, waana iga ogolaaday.
Waxaan ahaa gabar markaa soo kacday
oo aan weli cid la sheeko wadaagin marka laga reebo Mahad iyo C/salaan oo mid
walaalnimo naga dhaxaysay mooyee, hadaba waxaan ka badin waayey in aan aqbalo
codsigii Mahad uu ii soo bandhigay.
Waa habeen Isniin ah, Jawigu waa mid
aad u qurux badan oo rooban, waxaan ku kulanay goob gawaarida Taxi laga kireeyo
anigoo soo sagootiyey gabar aan isku galaas nahay, wuxuu igu tiri aan idin
qaado si aan hadhaw isugu keliyasano waana ka aqbalay, markii aan khadiijo
xaafadoodii gaynay kadib waxaan beegsanay dibada Magaalada, Waxaan xulanay meel
aad u qurux badan oo Kaaraa-bidhaanku biligtaa tan iyo cabaar markaan kaaraabidhaanka
qabo iyo ma qaban kartid islahayn ayuu su’aal i waydiiyey:
A.M maxaad iiga haysaa codsigaygii..?
Aad baan u naxay waayo ugubnimadu waa ii saamixi wayday in aan markiiba iraahdo
waa aqbalay, markaan cabaar aamusnaa ayuu mar kale yiri “Miyaanan u qalmin in
aan ku jeclaado..?.” mar kale ayaan argagaxay oo aan ka naxay hadalkaan dambe
waxaana ugu jawaabay anigoo jaraynaya “Waad u qalantaa walaal waana aqbalay”.
Habeenkaa Taariikhdu waxay ahayd
16/6/1998 wixii ka danbeeyey ilaa laga gaaro 1/2/1990 waxaan ahayn kuwo lagu
daydo ama lagu halqabsado marka Jacayl laga hadlayo degaankaan ku noolay,
Nasiib daro waxay na soo wajahaday markii ay dagaalada sokeeye soomaliya ka
dhaceen oo ay beelihii aan ka dhalanay dagaalameen, oo aan kala fogaanay oo
midkayaba midka kale tebay laakiin uusan aqoon meel uu u doono.
DHACDADII LABAAD:
Waxaan ku kulanay magaalada Nayroobi
ee xarunta u ah dalka Kenya Gabar aan isku deegaan ahayn salaan kaddib waxaan
waydiiyey bal in ay meel ku ogtahay Gacaliyahaygii waxayse ii sheegtay arrin
aad iyo aad uga qiirooday oo ah in uu waashay oo uu qashinka ururiyo qofkii
dumar ah ee uu dhaayaha saaraba uu magacayga ugu yeero, daqiiqado oohin iyo
dhiilo ah ayaan jabsaday, kaddib waxaan waydiiyeey meeshii ugu aragti danbaysay
waxayna igu tiri “Magaalada Xamar, gaar ahaan Siinaay.
In cabbaar ah ayaan saldhigtay
jirdiin u dhowaa goobtii aan ku kulanay gabadhii raadkan xun igu reebtay,
su’aallo badan oo aan isweydiiyay kaddib ayaa waxaan go’aan saday in aan dib
ugu soo noqdo Xamar si aan dhibka ula qaybsado wiilka ay kala fogaantayadu
qalbigiisa dhaawacday.
waxaan u soo anba baxay xamar anigoo
soo raacay diyaarad jaad oo fariisata 50km, Waxaay ahayd xili ay aad iyo aad
nabadgelyadu u xumayd oo gaarigii aan ka soo raacay KM50 ayaa lagu baartay meel
waxayar u jirta kuliyadii Lafoole, waxaan hakaa ku waayey wixii aan sitay oo
sahay ahaa. anigoo aan waxba sidan labadii shay oo aan xirnaamooyee ayaan
soogalay xamar.
Waxaan beegsaday guri ay lahaayeen
reer aan macruuf ahayn, Waayo mid walaalkay lahaa oo madiino ku yiil ma aadi
karo Nabadgelyo awgeed.Markii aan soo gaaray ugurigii aan u socday mise waa
hore ayaa laga qaxay, waxaan waydiiyey reerkii guri ahaan ugu xigay waxayna ii
sheegeen inay Yaaqshiid u guureen oo beeshoodu ka taliso.
waxaan qaatay tilmaantii la i siiyey
waxaana beegsaday meeshii la ii tilmaamay shido badan kadib waxaan ku
guulaystay in aan helo gurigii ay ku noolayeen macruufkaygu haseyeeshee qofkii
u horeeyey oo i arkaa wuxuu iigu yeeray magac beeleed aan aad u dhibsaday.
waxaana go’aansaday in aan dib ug laabto iyagoo ila sii hadlaya ayaa
dhabarkaygii ka qarsoomay, waxaan beegsaday dhanka siinaay oo aan is leeyeyhey
bal ka doon doon kii aan dartiis dalka ugu soo laabtay, maalintaa iima
suuroobin in aan helo oo gabalkii wuxuu iga dumay anigoo aan helin xataa cid ii
sheegta.
Waxaan garaacay albaabkii iigu iigu
dhowaa markii gabalku dhacay waxaase iga furtay qof aan aad isugu faraxnay all
waa A.M iyo Alawaa khadiijo, alla xagee ka timi iyo Nairobi walaal soo gudun,
qubayso, iyo wax cun gacalo ku dheehantay ka dib ayaan is warayanay waxaan u
sheegay u jeedada socodkayga iyo in ay i caawinto si aan u helo wiilkaa dartay
u dhibaataysan. Waxay ii sheegtay in ay reerkoodii u kaxeeyeen B/Wayne hase
yeeshee uu joogo wiil ay walaalo ahayeen oo Gaari wata Labadii maalmoobana uu
mar yimaado oo ka shaqeeya isla beled wayne.
Waxaan ka codsaday in ay i tusto
meesha uu ka baxo si aan ugu raaco B/Wayne. Maalin ka dib ayuu yimi markii aan
la kulamay wuxuu ii muujiyey weji furan iyo farxad wuxuuna ii sheegay in uu
beri tegayo, Laakiin wuxuu igula taliyey in aan iska Joogo waayo qadiyada
jirtaa waxaa laga yaabaa in ay dhib ii gaysato wuxuuna iga balan qaaday in uu
soo qaadayo isaga oo keenayo xarmar si aan u kulanano:
Maalin Xasuus, Dhiilo iyo farxad
xanbaarsan: 4/9/1993-dii goor subax ah ayaa albaabka la soo garaacay waan furay
waayo waxaan ahaa qofkii ugu dhowaa waxaa in dhaygu qabteen Mahad oo timihii ku
baxeen, aad caato u ah, oo dhalan rogan: naxdin iyo farxad Maxaa dhacay:
Walaalkiis C/kariin oo markaa waday ayaa ku yiri “Ma garanaysaa gabadhan wuxuu
yiri haa Waa A.M” Waan ku soo booday oo isku duubay daqiiqado kaddib ayuu
C/Kariin ii sheegay in aan ahay qofkii ugu horeeyey oo uu garto muddo Labo sano
ah.
Waxaan ka codsaday in uu iiga tago si
aan bal u derso dareenkiisa iyo sida uu waxa u tabanayo intii hadalka aan
wadanay
C/kariin ayuu iga soo dhex galay
isagoo igu yiri “Xagee iga aaday, maxaad ii dishay, xagee igu ogayd” isagoo sii
daba dhigay su’aallo badan oo aan garan waayay, si saxariir ah ayaan ugu war
celiyay iyadoo su’aalahaas is daba jooga ah aan fahmi waayay.
Mudo kaddib ayaan ku iri “Waa anigaan
kuu soo noqday mar dambana kaa tegimayaayo”. Waxaan ka ogaaday muddadii aan
wada joognay in aan maskaxdiisu dhamayn uuna u hoggaansan yahay wixii aan
iraahdo.
Waxaana go’aansaday in aan u kaxeeyo
halkii aan ku noolaa ee Nayroobi oo aan la dhuunto waayo waxaan ka baqay in
reerkoodu iga diidaan. waxaana arrintaas kala tashaday Khadiijo waxayna tiri
“Ku dhaqaaq wixii dhaqqale ahna anigaa kugu saacidaya”.
Waxaan u yeeray walaalkiis C/kariin
oo aan u sheegay in uu iigaga tago oo safarkiisa uusan baajin ee marka dambe oo
uu soo noqdo uu kaxeeyo, maadaama ay bani’aadamnimadu ku jirto in la is
badbaadiyo.
Kaddib waxaan isu diyaariyey safar
qarsoodi ah waxaana kaga ambabaxay magaalada Muqdisho safar dhinaca dhulka ah
anigoo sii raacay gaari u socday Gobolka J/hoose xaruntiisa Kismaayo, markii
aan tagnayna waxaan ka sii raacnay diyaarad ilaa Nayroobi.
Durba ma nasan oo waxaan geeyey
dhakhtar dhimirka qaabilsan, hase yeeshee wax wayn uma tarin keliya daawo
dejisa ayay siiyeen cid ma dilo, cid ma caayo sidaasaan kuwada noolnahay isagoo
dhimirka aan caadi ahayn iyo anigoo isga uun eegta.
Waxaan deris la hay Jacaylkiisa
isagoon nin ii ahayn waayo nin waalan waxba kuma xirmaan waxna kama furmaan,
Reerkoodu waxay ii yaqaaniin saaxiradii wiilkooda waashay, reerkayaguna waxay
ii yaqaaniin tii sixranaday markaan dersay waxa soomalidu sixirka u Taqaani WAA
JACAYKA DHABTA AH.
Haddaba Mudo 12sano ah waxaan ku wada
noolnay aragti keliya eed aadane oo aan ka baxsan lahay waayo isagu waxba garan
maayo waxa ay leeyihiin oo waa qof ku nool daawo iyo in uu aniga i ag joogo
keliya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
