Magaalada
Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka Somalia waxaad ku arkeysaa gawaari
cajiib ah oon filayo in aysan jirin meelo kale oo dunida laga isticmaalo marka
laga reebo Gudaha Soomaaliya ay gawaaridan can ka yihiin.
Gawaaridan
waxa ay u badan yihiin gawaarida waa weyn ee Soomaalidu u taqaan N 3 waana
gawaari afka laga jaray oo darawalka uusan heesan meel uu kaga gabaad galo
qoraxda iyo dhibicda roobka marka ay jiraan.
Gawaaridan
oo lagu qaado alaabaha loo qaado gobolada Dalka Soomaaliya ayaa sababaha madaxa
looga jaray lagu sheegay xaalad xiliyadii lasoo dhaafay jirtay oo ah in gaarigu
hadii uu madax leeyahay uuna qurxoon yahay uu halis ugu jiro ay ay dhacaan
burcada jidka gasha balse gaarigu mar hadii uu sidaan u yaalo la iska dhaafo.
Waxaana
dhacda gawaaridan in xiliyada uu roobku jiro madaxa laga soo rao bac si ay
dhibicda roobka uga badaal galaan darawalka iyo dadka kale ee saran gaarigaasi
iyadoona ay dad badan aad ula yaabaan sida gawaaridaasi ay safar dheer oo
gobolo ah u baxaan iyaga oon heesan meel roob ,dabeel iyo qorax bada ay uga
gabadaan.
Gawaaridan
waa weyn ee Madaxa laga jaray ayaa hada ku badan magaalada Muqdisho maadama ay
inta badan gabeen tabar ay safar dheer ku tagaan waxa ayna inta badan alaabaha
kasoo daabulaan Dakada Magaalada Muqdisho iyaga oo geeya Suuqayada ganacsiga ee
Magaalada.
Caalamka
lagama isticmaalo gawaari sidan oo kala ah ama gawaari duq ah oo duugoobay waxaana
waajib ah in inta badan gawaarida nuucaan oo kala ah marka laga hadalyo
Caalamka laga mamnuuco ruqsada isticmaalka wadooyinka Muhiimka ah
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com