Dilal kala duwan ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo meydadka dad aan la garan la soo dhigay xaafadaha, kuwaasoo gawaari laga tuuray markii la dilay.
Xalay fiidkii ayaa kooxo hubeysan waxay ay agagaarka xaafada Baar Ayaan ee degmada Yaaqshiid ku dileen nin la sheegay inuu ganacsade ahaa.
Ninkan ganacsadaha ayaa u geeriyooday dhowr xabadooda oo qaarka sare jirkiisa looga dhiftay, iyadoo ay baxsadeen kooxihii hubeysnaa.
Sidoo kale meydka wiil dhalinyaro ah ayaa saaka lagu arkay agagaarka Xaafada Coca-Cola ee degmada Yaaqshiid, dadka deegaanka ayaa sheegay in wiilkan uu ka xirnaa gacmaha iyo lugaha, rasaasna madaxa uga taalay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in marka la soo dilay wiilkan gaari laga soo tuuray, waxaana saaka dadka deegaanka ay sheegeen in ay aqoonsan la’yihiin.
Sidoo kale nin dhalinyaro ah ayaa meydkiisa la soo dhigay Xaafada Barwaaqo ee degmada Dayniile, kaasoo isna lugaha iyo gacmaha ka xirnaa, rasaas ay wajiga kaga taal, iyadoo labo gaari oo rag hubeysan wateen ay soo dhigeen xalay saqdii dhexe.
Dilalkan xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya, iyadoo labo maalmood ka hor Xaafada Suuq Bacaad lagu dilay labo ka mid ah saraakiisha Nabadsugida, kuwaasoo dilkooda ay sheegteen Al-Shabaab.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com