Ma ahan sahal inaad Dhaqankaaga ku soo jiidato umadaha kale waxaana muhiim ah in qof kasta Dhaqankiisa intii uu ka tagi lahaa in uu ku soo jiito dadyoowga kale maadaama Dhaqanka Soomaaliyeed uu yahay mid aad u wanaagsan oo hido ahaan qof kasta qancin kara (Asturaada Iwm).
Dadka Ajaanibta ah ee kala wata Diimaha kale xoog laguma laha balse waxaa haboon in si tartiib tartiib ah loo soo jiito oo la baro Dhaqankaaga & Diintaada si ay u ogaadaan Dhaqanka Soomaaliyeed in uu yahay mid aad u wacan kana wanaagsan Dhaqamo badan oo ka jira Caalamka oo idil.
Muuqaal cusub oo Cajiib ah oo la soo dhex dhigay boga Fanka Soomaaliyeed ayaa mar quraa waxaa lagu dhex arkay mid ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed oo si Farsameeysan u Asturaya Gabdho Cadaan ah oo madax Qaawanaan jiray kaas oo waliba ku guuleeystay in uu Madaxa u daboolo una galiyo Dharka Durmarka Soomaaliyeed nuuc yadiisa kala duwan .
Fanaanka Gabyaaga ah ee Da´da yar ee lagu magacaabo Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) oo inta badan looga bartay Heesaha Wadaniga ah ee kor loogu qaadayo Sharafta Calanka Soomaaliyeed ayaa iminka waxa uu soo saaray Muuqaalkaan cusub oo la magac baxay DHAYMAN DHUUX .
Qaar ka mid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool gaar ahaan kuwooda ku nool dalalka Yurub ayaa Dhaqan ahaan waxaa loo jiitay Dhaqamo kale balse Muuqaalkaan cusub ayaa xaqiijinaya in ay aad u wacan tahay in qof kasta uu Dhaqankiisa dadka kale ku soo jiito inta uu ka sii carari lahaa.
Dhalinyarada Muuqaalkaan cusub ka qeeyb qaadatay ayaa qaarkood waxa ay wateen ama Xirnaayeen Funaanad ay ku qoran tahay I Love Somalia iyo We Love Somalia oo macnaheedu yahay (Waan Jeclahay Somalia ama waanu Jecel nahay Somalia ) waxeeyna taas kuu xaqiinineeysa heerka ay gaarsiisan tahay Jaceeylka ay u qabaan Hidaha & Dhaqanka dadkooda iyo dalkooda .
Halkaan ka Daawo Fanaan si Farsameeysan Madaxa ugu Asturay gabdho Cadaan ah una galiyay Dharka Soomaalida
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com