Golaha Amaanka oo isku raacey in xanibaadda hubka Soomaaliya laga qaado

Thursday, March 7, 20130 comments


Fadhi ay maanta yeesheen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo ka kooban 15 dal ayaa u codeeyey qaraar qabyo ahaa oo ay soo diyaarisey dalka Britain, waxaana Golaha Amaanku isku raacey in qaraarkaas uu yahay mid shaqeynaya muddo sanad ah.

Qaraarka cusub ee lanbarkiisu yahay 2093 ayaa dhigaya in muddo sanad ah Soomaaliya laga qaado xanibaadda hubka ee saarneyd tan iyo sanadkii 1992-dii, waxaana qaraarkani dhigayaa in hubka qaarkiis sida Miinata loo yaqaan Anti Tank oo si weyn waxyeelo u garsisa dadka rayidka ah, Hoobiyaasha, gantaalada diyaaradaha lagu soo rido, madaafiicda Hawsarka loo yaqaan, iyo kuwa goobta, waxaana hubka Soomaaliya la socon doona Qaramada Mdoobey koox ay u magacaabtey in aan lagu xadgudbin, la gadi karin lana wareejin karin.

Golaha Amaanka ayaa sidoo kale isku raacey in muddada hawlgalka AMISOM lagu darro hal sano, waxaana uu ka dhacayaa mandate-ku 24 Feberaayo 2013, waana in aysan tirdoodu ka badan karin 17,731.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog