Muran iyo is qab qabsi weyn oo u dhexeeya wadaadada Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay inuu cirku isku shareeray ka dib markii ay hadalo kulul ay hawada isku mariyeen oo uuna midba kan kale ku eedeeyey inuu dhiiga dadka muslimka ah ay xalaaleysanayaan.
Hadal ka soo yeeray wadaad Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Sheekh Xasaan Xuseen Aadan oo ka mid ah wadaaadada Somaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayuu waxaa uu dhawaantaan oo eedeyn u soo jeediyey qeyb ka mid ah wadaadada Soomaaliyeed oo uu ku sheegay inay ayagu uga horeeyeen in la fatweeyo oo qof muslim ah lagu tilmmamo in la dili karo oo uu diintana ka baxay islamarkaana ay waajib tahay in la dilo, Wadaadkaan oo ay dadku qaar ku eedeeyeen hadal ka soo yeeray dhawaantaan xilli uu muxaadaro ka jeedinaayey masaajid ku yaalo magaalada Nairobi oo uu ku sheegay inay waajib tahay in la dilo qofkii isku daya ama ka shaqeeyo in la kala qeybiyo dalka Soomaaliya asagoona muxaadaradiisa ku sheegay in halka uu taagan yahay lagu dilo qofkii lagu helo arintaas ayaa waxaa arintaas iyo hadalka wadaadkaas eed weyn u soo jeediyey qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed taas oo keentay inuu wadaadkaas uu asagana uu mar kale ku eedeeyey wadaadadaas inay ayagu uga horreyeen in loo fatwoodo in qof muslim ah in la dilo.
Ugu dambeyntiina iyadoo sida muuqato uu dhiiga dadka Soomaaliyeed uusan meelna ku badbaadayn oo haday noqoto tuug iyo mooriyaan ama wadaadba uu qof walba uu iska baneystey dhiiga dadka Soomaalida ayaa waxay tani sidoo kale ay marqaati weyn u tahay siday dadka Soomaaliyeed ay ugu wareersan yihiin wadaadada Soomaaliyeed oo uu midba kan kale uu ku eedeynaayo inuu qaldan yahay oo uu asagana sax san yahay iyadoo uu mid walbana uu soo daliilsanaayo aaydado quraan iyo axaadiis uu ku muujinaayo inuu saxsan yahay.
Daawo Muuqaal ahaan Hadalkada Ay Hawada Isku Dhaafsadeen
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com