Ra’iisul Wasaare Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay magaalada Garowe

Saturday, March 9, 20130 comments



Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal, iyadoo safarkan uu yahay kii u horeeyay, kaasoo qeyb ka ah, safaro uu mudooyinkii u dambeeyay uu ku tagayay Gobolada dalka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa Labo diyaaradood ay ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana qeyb ka ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaano.

Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya in ammaanka aad loo adkeeyay, iyadoo ay socdaan qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ee Puntland ayaa noqoneysa mid qeyb ka ah dadaaladada dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii gobolada dalka u gaarsiin laheyd nidaamka federaalka, iyadoo Puntland uu ka mid yahay maamul goboleedyada dalka ka jira.

Dhinaca kale Maamulka Puntland ayaa dhowaan si aad ah uga soo horjeestay cunoqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya, waxaana la saadaalinayay in socdaalka Ra’iisul Wasaare Saacid inuu qeyb ka yahay.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa todobaadkii hore booqasho qaadatay saddex cisho ku tagay Gobolada Dhexe, iyadoo uu booqday Dhuusa Mareeb, Cadaado iyo Caabudwaaq, halkaasoo uu wada hadalo kula soo yeeshay maamulada ka jira halkaas.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog