Talo ku socota gabadhaha calaf doonka ah (Warbixin Wax Ku Ool ah )

Monday, March 4, 20130 comments


Talo ku socota  gabadhaha calaf doonka ah haday ku anfacdo raac insha Allaah.

1- Gabadhyahay iska ilaali khayaanada iyo beenta waxaad ka dhaxlaysaa nabsiye daacad noqo mustaqbalkaga ha iskaga ciyaarin sharaftaada ilaali ha noqon sida gabdhaha qaar ku oranaya 100 kula sheekeysta midna waa ka guursataa, gabadha uma fiicna inay ragg badan la socoto iskana dhaadhiciso maahmaaha jahliga ah,sharaftadaa uma fiican gabadhyahay daacad u noqo wiilka aad la socoto isagana ku ekow hadii aadan ku qanacsanayn ha lugoynin ee runta u sheeg waligaa iska ilaali inaad wiil jeceyl ku abuurto gadaashiisana ragg kale kala  socoto.

2- Waligaa iska ilaali wiilkaad wada socotaan inaad  guri isku kaliyeysataan sow ma ogid gabadhyahay in sheydaanku cadowgaaga yahay waxuu ku dadaalaa inuu ku fitneeyo oo aad  xaaraan ku dhacdo illaahay waa  inoo sheegey in shaydaan cadowgeena yahay hadii aad jecleysato inaad guri aan ehelkaaga aheyn kula sheekeysato  wiilkaa wada socotaan ee mustaqbalka iska rabtaan  kaxayso gabadh aad ku kalsoon tahay oo dhowrsoon waligaa guri kali ha kula noqon hana ka yeelin haduu ku yidhaa wiil baan  soo kaxaysan   haka yelin ee adiguna gabadh kaxays.

3- Ma rabtaa inaad hesho lamaano kuu  qalma kuna wada noolataan  mustaqbal caafimad qaba oo farxad iyo reyn reyn  abidkiin inta cimrigina idinka  hadhsan?Taasi jawabteedu waa haa gabadh walba mustaqbal fican inay hesho ayey rajaysaa, hadaba ka saacid aduun iyo lacag iyo taash aroos lagaga tumo hotelki heblayo ama heblayo adna lagaga tumo ku dadaal inaad raadsato nin akhyaar ah diin iyo akhlaaq leh ka mid noqo gabadhaha uu Rasulka SCW dhahay midba tay ka meher yar tahay ayey ka ajir  badan tahay yaan lagaa  badin oo lagaaga horeyn  khayrkaa.

4- Waxaad jeceshay inaad la kulanto nin fiican oo ku dhaqda Akhlaaq,diin, naxaris leh, oo ku saacida adiga iyo caruurtaada  baahidiinana  idinka aradtira, ogsonow inuu ninkuna kula mid yahay oo uu rabo gabadh diin iyo akhlaaq  leh oo raaliyo ah.Hadaba ku dadaal inaad adiguna  raaliyo noqoto.

5- Ma jeceshay ninkaagu inuu ku jeclaado?Waxan filaya su’aashani jawabteeda in dumar badan ku adkaanayso mid illaahay u naxaristay mahee.Ma rabta inaad ninkaga is jecleysiso ama isaguba ku jeclaado!!hadaba jecloow waalidkiis  isaga ku jeclaane tus saygaaga in waalidkiiis waalidkaa oo kale kuu yihiin sidaad waalidka u jeceshay iyagana u jeceshay la saaxiib sodohdaa telefon u dir la sheekeyso la tasho   2 week mar u tag ku dheh saygaaga inaad  u soocoto maanta  guriga maamadiisa ,u gee hadiyad  tay u jeceshay kasbo qalbigeeda marmar  wac oo la tasho la sheekeyso saaxiib ka dhigo iyo hooyadaada labaad, waxa hubanti ah in saygaagu kaa jeclaanayo dumarka dunida korkisa saaran oo dhan, waalidkiis markuu ka maqlo amaantaada oo dhagahisa ka badato amaantaadu marka gabar yahay dadaal.

Bal Qisadani  laga so wariyeey  Nabi Ibrahiim C.S.iyo inankiisa  Ismacil C.S.Dhuux Waxay qisadani ku tusinaysaa gabadha  ninka waalidkiis marwalba ka ashtakoota  ee cabashada badan inuu khatar u  tahay   in reerkeedu ka burburo  gabadha  saalixada ah waa mid samir iyo dulqad badan muujisa xataa  haday waalidkisu si kasta u dulminayaan  waa mida ninkeeda  adeecda waalidkisna  u amaanta inankooda, gabadha  saalixada  wanaag oo dhan inay ninkeeda  iyo waalidkisa kula dhaqanto lagu yaqaan.Qoralkaa ila fogaaday ee  Qisadi waa tane bal ila dhuux.

Nabi Ibrahiim  C.S. ayaa  so booqday inankisii Ismaacil u ku yidhi xaaskisii xaalkiina iga waran markaaseey  ku tidhi xaalkayagu waa  liitaa Ismacil C.S.Wuxu ku maqan yahay ugaadhsi,wuxu ku yidhi waxad ku tidhaa marku  yimaado iska badal albaabkaaga kaabadiisa marki Ismacil C.S.yimid  ayey ku tidhi waxaa i yimid nin weyn oo ciro leh waxuu igu yidhi waxad ku tidha marku Ismacil C.S.Yimado albaabkaaga  kaabadiisa  iska badal,markasu ku yidhi waxuu aha aabahay waxuu i farey in aan ku furo ee orodo iska tag waa aan ku furay,sababtu u furey  waxay aheyd sidan kor kuso sheegeyba way u cabaaday, muddo ka dib ayuu  uso noqday Nabi Ibrahiim C.S. inankisi Ismacil C.S.Markii uu guursaday gabadh kale sidi oo kale ayuu ku yidhi iga waran xaaladiina markaseey ku tidhi alxamdulilaah waanu ficanahay,markas ayuu  u faray inuu kaabada albaabkiisa  adkeysto oo macnaheedu yahay(ha iska furin).Nabigenu SCW waxuu yiri ninka hela gabadh saalixad ah inuu helay nicmadi aduunka….Gabadh kasta iyada garan siday isku jecleysiin laheyd  saygeeda iyo waalidkisa  waa adiga iyo dadaalkaa somali hore u tidhi hadal la kala odhan og illahaayna la kala baryi og.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog