Gabaryaheey xasuusnoow in ay jiraan erayo ninka ragga dhibsado xilliga wada sheekeysiga jaceyka ku jirtaan waxa ayna Newbanaadir ku siineysa dhowr eray ee ka fogoow .
1- Maxaad Ka Fikireysaa ?: tani waxa ay u muuqataa su`aal iska caadi ah balse mushkiladu waxa ay tahay in ku cel celinta su`aashaas ay qofka kale dareensiineysa in laga yaabo in aadan ku kalsooneyn qaabka uu kaaga fikirayo.
2- Aniga Arimahaas aad ayaan isaga shabahnaa: balse hadii ay xaqiiq tahay ha isku dayin in aad isku soo dhaweyso fogaanta idin dhaxeeysa adiga oo been ka sheegaya in aad wax waliba ka shabahdo oo aad isaga mid tihiin , ogoow hadii ay u cadaato in aadan isaga mid aheyn in aad kalsoonidiisa ku weyneyso .
3- Maxaad iila soo hadli weysay : ma jeclo ninka in uu dareemo in aad mar waliba isku dayeyso in aad ka dhigto tiirka noloshaada waxaa haboon in aad siiso fursad uu kuugu soo xiiso .
4- Maxay yihiin mashruucyadaada mustaqbalka : waxaa suura gal in bilaawgiii shukaansigiina uu ku sheegay wax yaabaha u qorsheysan balse ku cel celinta su`aashaas waxa ay u muujineysa in aadan ku qanacsaneyn wax yaabaha u qorsheysan .
5- Habkaada noocaas ah kama helin : ceeb iyo qalad ma aha in aad uu muujiso ra`yigaada ku aadan shaqsiyadiisa balse ma haboona in ay noqdaan dhaleeceyn joogta ah .
6- Intee jirtay maanta waan ku soo wacay mana ka soo jawaabin : ha dareensiin in aad kormeer ka hayso oo aad dooneyso wax waliba oo uu sameeyo in aad ogaato balse u ogalaaw oo sug in isaga uu kuu sheego haddii uu doono.
7- Maanta sidee u muuqdaa : tani waxa ay muujineysa in aadan isku kalsooneyn ninkana ma jecla gabarta aan laheyn kalsoonida.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
