Wiil 8 jir ah oo guursaday haweeney 61 jir ah (Arag Sawirrada)

Thursday, March 14, 20130 comments



Wiil cayaal iskuul ah oo jira kaliya 8 sano ayaa guursaday haweeney 61 jir ah

Sanele Masilela, ayaa marti gaareysa 100 qof hortooda ku mehersaday hooyada shanta caruur heysata ee Helen Shabangu, oo ah haweeney la qabo oo sey leh.

Lamaanahan cajiibka ah, ayaa isku-weydaarsaday faraantiyadii, xaflad ka dhacday magaalada Tshwane ee dalka South Africa, halkaasi oo Sanele uu ku sheegay in awoowgii geeriyooday uu amray arooskan.

Si kastaba, Isaga iy xaaskiisa ma aysan saxiixin waraaqiihii guurka, mana damacsana inay wada noolaadaan.

Qoyska Sanele ayaa lacag dhan 2300 oo dollar ku bixiyay meherka, waxaana ay ku adkeysteen inay ahayd kaliya arrin ku eg xaflad, oo aan wax sharci ahaansho ah lahayn.

Sanele, ayaa waxa uu yiri “Waxaan hooyadey u sheegay inaan doonayo inaan guursado, waxaana ku faraxsanahay inaan guursaday Helen. Markaan weynaado waxaan yeelan doonaa xaas igu da’ ah”.

Hooyada dhashay wiilkan oo ah 46 jir lagu magacaabo Patience ayaa tiri “Sanele awoowihiis ayaa weydiisatay inuu guursdao, ka hor inta uusan dhiman, wuxuuna doortay Helen, sababtoo ah aad buu u jecel yahay”.

“Innaga oo tani sameeneyna, waxaan farxad gelinay awoowayaashi. Haddii aynan sidaas sameyn lahayn, arrin aad u xun ayaa qoyskan ku dhici lahayd” ayay iyana tiri aroosadda Helen.

Arag Sawirrada Arooska





















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog