Al Fanaan Abwaan Xuseen Shire Ciyaar jecel ayaa Laxamiiste Mustafe Kiiko ku tilmaamay Tuug heesaha xada,oo aan wax lagu aamino karo jirin.
Fanaan Xuseen Shire wuxuu tibaaxay inuu ka naxay markii hees uu xaaskiisa u sameeyay ka xaday Mustafe Kiiko oo laxanka u saaray.
“1996 ayaan Mustafe Kiiko heesta Luul u dhiibay kadibna wuxuu heestii sheegtay inuu sameeyay ,waxaan hadana Caawa ka arkay telefishinka heestii oo Cabdi Jibaar leeyahay waxaa sameeyay Abwaan Dheglas” ayuu yiri Fanaan Ciyaar jecel.
Ninkaas waa Fadaro,waa Tuug waxaana soo saari doonaa heesta,aniga ayaa soo qaadi doono sidaas darteed waxaan uga digayaa Fanaaniinta inuu ninkaas heeso ku qaldo” ayuu yiri Xuseen Shire.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com