Waxaa jira dad u dhashay wadamada reer galbeedka oo yimaada dalalka deiriska la ah wadanka Soomaaliya si ay fililmaan iyo documentariyo burcad badeeda uga sameeyaan.
Hadaba Filimaantaan ayaa waxaa jila dhalinyaro isugu jira Soomaali iyo dad kasoo jeeda qaabiilada Booraanta la yiraahdoo ee dega qeybo badan oo ka mid ah geeska Africa. Dhalinyaradaan ayaa waxaa lagu siiyaa lacago fara badan si ay u jilaan burcad badeednimo.
Qaarka ka mid ah nimankii filimadaan loo jilayay ayaa markay duubeen oo sii daayeen waxaa uu arinkaas abuuray in si weyn looga shakiyo dhalinyaradii jilaysay filimadaasi kuwaasoo inta laga yaabay qaabka ay u matalayaan burcad badeednimada loo maleeyay inay yihiin burcad badeed dhab ah.
Dhalinyarada ayaa sheegay in filimadii ay jileen si xun loo turjumay oo la buunbuuniyay waxayna eeda dusha uga tuureen nimankii watay barnaamijkaan ee cadaanka ahaa. Nimanka jilay filimaantaan
ayaa si weyn isaga foogeeyay burcad badeednimada lagu tuhmay iyadoo mid ka mid ah uu sheegay inuusan weligaas xitaa dalka Soomaaliya arkin.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com