Abwaan
Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ah Abwaan magac iyo maamuus ku leh
Bulsha Weynta Soomaaliyeed meel walbo ee joogaan ayaa la gudoonsiiyay abaal
marin caalami ah ee bixiso Dowlada Holand gaar ahaan Boqorada Dalkaasi.
Xaflad
balaaran oo lagu abaalmarinta lagu gudoonsiinayay Abwaan Hadraawi ayaa lagu
qabtay Hotelka Mnasoor ee Magaalada Hargeysa , waxaana kasoo qeyb galay
Masuuliyiin sare oo kasocday Maamulka Somaliland , Safiirka u fadhiya Kenya
Dowlada Holnad , Abwaano , Fanaaniin iyo Wali Marti sharaf kala duwan.
Safiirka
dawladda Holand u qaabilsan Dalka Kenya Joost Reintjes ayaa xalay abaal-marin
caalami ah Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ku guddoonsiiyey Huteelka
Magaalada Hargeysa,taas uu wakiil ka ahaa boqorada dalka Holland Prince Claus
oo ka mid ahayd abaal-marinadii ay boqoradu bixisay sannadkii 2012kii.
Abaal
marintan ayaa la gudoonsiiyaa sanad kasta dadka wax galka ah ee Bulshada kasoo
dhax muuqda sida kuwa ku tilaabsada Hor marka , kuwa Nabada ka shaqeeya iyo
sidoo kale Dadka Suugaanleyda iyo afmaalka ah .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com