Xog-ururin
ballaadhan oo ay samaysay Jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska, qaybteeda
cilmi-nafsiga, ayaa lagu ogaaday lammaayaasha iska barta mareegtada internetka
dadku ku kulmaan ee Facebook inay mustaqbalka guurkooda dambe soo food-saarto
carqalad weyn, taas oo aakhirka ka dhigta laba qof oo aan isku qanacsanayn,
nolol qoysna sii wadaagi karin.
Cilmi-baadhistan
oo laga sameeyey 3,500 lammaane oo baraha internetka ee bulshadu ku kulmaan aad
u isticmaala sida Facebook, Emails iyo Tweets, waxa lagu xaqiijiyey aakhirka
qoysaska xidhiidhkaas ku dhisma in muran iyo khilaaf ba’an soo kala dhex galo.
Dr.
Bernie Hofan oo ka tirsan qaybta Internetka ee Jaamacadda Oxford, ayaa soo
jeediyey in la iska daayo isticmaalka badan ee mareegaha dadweynuhu isku arkaan
waqtiyada xaaslayda la noqdo, isagoo arrintaas ku sababeeyey in culays badan
qofka fuula darteed inuu haleeli waayo lammaanahiisa, sidoo kalena ka shakiyo
dadka uu xidhiidhka la samaynayo jacaylkiisu.
Isticmaalka
mareegahan waqtigan casriga ah waa arrin cusub, balse ma aha wax sidaas u muhiim
ah. Waxay dadku qabatimeen isticmaalka barahan, in la isticmaali waayaana ma
fiicna, laakiin in xad-dhaaf loogu mashquulo ayaa ka sii xun, waxaanay
galaafanaysaa farxadda qoyskaaga iyo qofka aad jeceshahayba, ayuu yidhi Dr.
Bernie.
Xog-ururin
kaloo laga qaaday waddanka Ingiriiska oo ku saabsanayd caadaysiga baraha
internerka ee bulshadu ka wada xidhiidho (Social Media), ayaa iftiimisay in 62
milyan oo saacadood maalin kasta dadka dalkaas ku nooli ku lumiyaan isticmaalka
mareegaha Facebook iyo Twitter.
Sidoo
kale, xogta Jaamacadda Oxford soo bandhigtay, ayaa iyaduna caddaysay in dadka
Ingiriisku 34 milyan oo saacadood maalin kasta ku lumiyaan Facebook, halka
barta Twetter-kana isticmaalkeedu gaadhay maalintii 28 saacadood.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com