Maxkamad ku taala New Zealand oo xukun ku riday haweeney Soomaali ah oo afduub u geysatey diyaarad(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Monday, April 15, 20130 comments


Maxkamad ku taala dalak New Zealand ayaa waxaa la sheegay inay xukunku riday haweeney Soomaali ah oo lagu soo eedeeyey inay afduub u geysatey diyaarad laga leeyahay dalkaas New Zealand.

Caasha Cali Cabdulle oo ah haweeney qaxooti ku ahayd dalka New Zealand ayaa waxaa la sheegay inay maxkamad ku taala magaalada Christchurch ee dalkaas New Zealand ay ku xukuntay 9 sano oo xarig ka dib markii ay ku cadaatey dambiga ah inay afduubtay diyaarad lag leeyahay dalkaas, Haweeneydaan ayaa sanadkii 2008 waxay ku qafaalatey diyaarad dalkaas iyadoo walibana dhaawac u geysatey duuliyayaashii diyaaradaas, Haweeneydaan oo diyaaradaas ka soo raacday magaalada ay ku nooleyd Blenheim ayaa waxay diyaaradaas ku jeeday magaalada Christchurch ee isla dalkaas New Zealand gudihiisa

Laakiin haweeneydaas ayaa intay hawada ku jirtey diyaaradaas waxay weerar ku qaaday duuliyayaasha diyaaradaas iyadoo ku hubeysan ilaa iyo 3 midiyood sidoo kalena sheegtay inay wadato bambooyin iyadoona weydiisatey duuliyaha diyaarada inuu u duuliya dalka Australia, laakiin duuliyaha ayaa u sheegay inaysan haysan shidaal ama baasiin ku filan oo ay ku gaari karaan dalkaas ka dibna haweeneydaas ayaa caro awgeed waxay la dhacday mindidii duuliyihii diyaarada taas oo ay ka dhaawacday ilaa iyo dhowr meelood, sidoo kale ayey waxay halkaas ku dhaawac kaaliyii duuliyaha iyadoona guud ahaan ay halkaas ku dhaawacmeen ilaa iyo 8 qofood oo la socday diyaaradaas , laakiin dagaal iyo harden ka dib ayaa duuliyayaashii diyaaradaas oo kaalmo ka helaayo rakaabkii saarnaa diyaaradaas waxay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan haweeneydaas Soomaalida ka dibna lagu wareejiyo booliiska dalkaas. 

Ugu dambeyntiina iyadoo haweeneydaas Soomaalida lagu riday xukunkaas ayaa haweeneydaas waxay sheegtay inay ujeedkoodu ahayn inay wax afduubto laakiinse ay rabtey oo kaliya inay gaarto dalka Australia iyadoona sheegtay in dalka New Zealand ay si xun ula dhaqmeen oo ayna ku dhibaatootay islamarkaana ay u diideen inay u noolaato si caadi ah, haweeneydaan ayaa waxaa maxkamada horteed laga cadeeyey inay tahay qof xanuunsan maskaxiyan islamarkaana uu dhib baaxad weyn ku soo qabsaday dalka Soomaaliya inta aysan ka soo qaxin dalkaas.
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog