Nin ku Waashay Lacag iyo inuu Taajir noqdo oo Sixiroole u tagay & Sixiroolihii oo ninkii Madaxa ..(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Monday, April 8, 20130 comments



Dadka bulshada ku jahwareeriya falka Sixirka ah ayaa inta badan waxa ay sameeyaan hab dhaqan cajiib ah oo ay ku bah dilayaan dadka u soo doonta Quraafaadka ama Sixirka ay sameeyaan.

Gobolo badan oo ku yaala dalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Africa iyo waliba Qaarada Asia waxaa ku nool ama maalin kasta Lacag looga qaataa dadyoow aaminsan dadka wax Sixra ama faalka dhiga.

Nin Lacag ku qafiifay waliba sheegay inuu doonayo in uu noqdo Taajir leh lacag iyo hanti fara badan ayaa u tagay Nin Sixiroole ah balse waxaa si Cajiib ah madaxa looga garaacay Ninkii falka Sixirka ah soo doontay kaas oo lagu dhigay lama arag iyo lama maqal.

Ninkaan oo ahaa dadka taageera ama aaminsan falka Sixirka ayaa Madaxa Dambas loo mariyay waxaana loo garaacay si naxariis daro ah ilaa uu ka wareeray ama hadli waayay .

Ninka Sixiroolaha ah ee wax dilay ayaa ku adkeeystay Kalmad cajiib ah taas oo eheed sidatan " Waa Taajiree, waan kugu Tufaa, Waan kugu Tufaa waa Taajiree "



















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog